Ururka Dimuquraadiga Shacabka JSL oo soo dhaweeyay Go’aankii Gudida Diwaangalinta Ururada

0
268

Hargeysa (Dawan) Ururka Dimuqraadiga Shacabka Somaliland ayaa soo dhaweeyay shaacintii gudida Diwaangalinta Ururada Siyaasada iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka ee in ay bilaabayaan 27 Bishan May Diwaangalinta Ururada Siyaasada.

Warsaxaafadeed uu soo saaray Guddoomiyaha Ururka Dimuqraadiga Shacabka Somaliland Axmed Cabdala digaale ayaa waxa lagu sheegay in ay soo dhawaynayaan shaacintii gudida Diwaangalinta Ururada Siyaasada ee xiliga ay bilaabayaan Diwaangalinta Ururada Siyaasada Somaliland.

Waxaana uu u dhignaa sidan: “Ururka Dimuqraadiga Shacabka Somaliland waxa uu soo dhawaynayaa shaacintii gudida Diwaangalinta Ururada Siyaasada ee ay ku sheegeen in 27 Bishan June ay bilaabayaan Diwaangalinta Ururada Siyaasada,taas oo ah talaabo hore loogu qaaday xaga Dimuqraadiyadda iyo geedi socodka Doorashooyinka Somaliland.

Doorashada Ururada Siyaasada ayaa ah fursad dadka Somaliland ku dooranayaan cidii ay u arkaan in ay hogaamin karto dalka Somaliland,madaama oo sharci ay tahay in tobankii sannaba mar la furo Ururada Siyaasada.

Ururka Dimuqraadiga Shacabka Somaliland ayaa waxa uu ku amaanayaa gudida Diwaangalinta Ururada Siyaasada dardargalinta hawlaha ay qaranka u hayaan ee kala reebista Ururada Siyaasada oo muddo badan la sugayay.waxaana aanu ka rajaynaynaa gudida Diwaangalinta Ururada Siyaasada in si cadaalada ugu xaqsoori doonaan Ururada Siyaasada.

 

 

Leave a Reply