Wasiirka Cadaaladda oo Furay kulan lagaga arrinsanayo Xeer Dhawaan u Dudbay Golaha Wasiirada JSL

0
177

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda cadaaladda Somaliland, mudane Saleebaan Warsame Guuleed, ayaa furay shir lagaga arrinsanayay qabyo qoraalka xeerka adeega kaalmada sharci, oo dhawaan loo gudbiyay golaha wasiirada.

Kulankan oo ay ka soo qayb galeen ururka qareenada, saraakiisha ciidanka asluubta, xubno ka tirsan guddida ruqsad bixinta iyo anshaxmarinta qareenada iyo ururada bulshada rayidka ah.

Haddaba intii uu shirkani socday waxa warbixin la xidhiidha wixii qabsoomay muddadii saddexda bilood ahayd iyo caqabadihii ka hor yimid bixiyayaasha adeega kaalmo agaasimaha waaxda marin u helidda cadaaladda iyo mihnadlayaasha sharci Muxiyadiin Maxamed Cabdi, oo sheegay in wax badani u qabsoomeen waxna ay qabyo yihiin, balse loo baahan yahay in wixii qaybyo ah qorshe laga yeesho sidii wax ka qabashadeeda loo dardargelinlahaa.

Shirkan ayaa ah mid saddexdii biloodba hal mar ay isugu yimaadaan daneeyayaasha arrimaha adeega kaalmo sharci.

Leave a Reply