Barcelona oo Dalabkii ugu Dambeeyey ka Gudbisay Lewandowski

0
295

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa dalabkii ugu dambeeyey ka gudbisay weeraryahanka Bayern Munich ee Robert Lewandowski, kaas oo ay doonayaan in ay soo xero-geliyaan ugu dambayn toddobaadkan ka hor inta aanu laacibkaasi dib ugu laabanin Allianz Arena ee aanu bilaabin tababarka xilli ciyaareedka dambe ay iskugu diyaarinayso kooxda reer Germany.

Lewandowski ayaa kooxdiisa Bayern Munich u sheegay, in aanu doonayn in uu sii joogo xilli ciyaareedka uga hadhsan qandaraaskiisa, waxaanu qorshihiisu yahay in uu soo afjaro waayihiisa Bundesliga.

Bayern Munich ayaa la sheegay in uu dalbanayso lacag gaadhaysa £43 milyan oo Gini, halka Barcelona ay hore uga gudbisay dalab lagu soo diiday oo aad uga hooseeyey intaas, waxaanay maamulka Bayern ku adkaysanayaan in uu sii joogayo amaba ay qasab tahay in kooxaha danaynaya ay bixiyaan lacagtaas.

Wakiilka Lewandowski ee Pini Zahavi ayaa usbuucyadii ugu dambeeyey wada-hadallo kula jiray Bayern Munich si uu ugu qanciyo inay laacibkan ku fasaxaan qiime macquul ah, waxaanay Barcelona hadda qabtaa rajo aad u sarraysa, sida uu sheegay wargeyska Sport.

Dalabkii hore ee Barcelona ay gudbisay ee laga diiday oo ahaa £30 milyan oo Gini oo kaash ah iyo £4 milyan oo Gini oo ku xidhnaanaya bandhiggiisa, ayaa waxay hadda gudbisay dalab labaad oo ay sare ugu qaadday lacagtaas, si ay u xaqiijisato saxeexa Robert Lewandowski.

33 jirkan oo muddo siddeed sannadood ah oo uu u ciyaaray Bayern Munich kula guuleystay wax walba ayuu qandaraaskiisu ku egyahay sannadka dambe ee 2023, waxaana uu qorshuhu yahay in ciyaartoyda kooxdaasi ay kusoo laabtaan tababarka July 12, inta ka horreysa ayaanu doonayaa in la xalliyo mustaqbalkiisa.

Leave a Reply