Gareth Bale oo si Rasmi ah u Shaaciyay Kooxdiisa Cusub ee ku Biiray

0
221

Xiddigii hore ee kooxda Real Madrid ee Gareth Bale ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay kooxda cusub ee uu ku biirayo iyadoo heshiiskiisii hore ee kooxda ree Spain uu bishan June ku eeg yahay.

Bale ayaa muuqaal uu baraha bulshada soo dhigay ku xaqiijiyay inuu ku biirayo kooxda Los Angels FC isaga oo qalinka ugu duugay heshiis hal sano ah oo 18 bilood oo kale dookh la kordhin karo yihiin.

Bale ayaa saddex horyaal La Liga iyo shan Champions League kula soo guuleystay Real Madrid waxaana uu usoo dhaliyay kooxdaas 106 gool kaddib 256 kulan oo uu usoo ciyaaray.

Si kastaba, kahor tartanka koobka aduunka oo ay Wales markii ugu horreysay 64 sano kaddib ciyaarayso ayuu Gareth doortay inuu ka ciyaaro horyaalka MLS-ka Maraykanka.

Xilli ciyaareedkii hore ayay LAFC booska sagaalaad kaga soo dhammaysatay horyaalka MLS-ka balse doorka dambe ayay tartan adag gali doonaan iyagoo sidoo kale dhawaan la wareegay Giorgio Cheillini oo Juventus xor ugaga yimid.

Leave a Reply