Man United oo Barcelona Heshiis Buuxa kala Gaadhay Saxeexa Frenkie de Jong

0
240

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay ugu dambayn Barcelona kala heshiisay saxeexa xiddiga khadka dhexe ee Frenkie de Jong.

Tan ilaa markii uu Erik Ten Hag yimid kooxda Man United, Red Devils ayaa lala xidhiidhinaya xiddiga Frenkie de Jong.

Frenkie de Jong Ayaa wadahadalo kula jirtay kooxda Barcelona todobaadyadii ugu dambeeyay iyada oo uu Ten Hag doonayo in uu la midoobo xiddiga khadka dhexe.

Sida laga soo xigtay Sky Sport, Man United ayaa ugu dambayn Barcelona kala heshiisay saxeexa xiddiga khadka dhexe ee Frenkie de Jong.

Xiddiga khadka dhexe ee Frenkie de Jong ayaa noqon doona saxeexa ugu horeeya ee ay kooxda Man United samayso suuqa kala iibsiga xgaaga.

Man United ayaa bixin doonta lacag dhan 65 milyan oo euro iyo waliba 20 milyan oo Gunooyin ah oo ku xidhan shardiyo gaar ah.

Leave a Reply