Real Madrid oo Jabisay Heshiiskii lagu Soo Afjaray Colaaddii Atletico & Xiddig Hibo leh oo ay ka Xoogayaan

0
332

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa jabisay heshiiskii ay kula jirtay deriskeeda Atletico Madrid ee lagu soo afjaray colaaddii u dhaxaysay labada kooxood, kaas oo ahaa in ay isku nabad-geliyaan ciyaartoydooda da’yarta ah ee hibada sare leh.

Labada madaxweyne ee labada kooxood ayaa muddo laga joogo 15 sannadood, waxay heshiis ku gaadheen in ay ka dheeraadaan in ay isku dayaan in ay iska weeraraan kulliyadaha da’yarta oo aanay la kala wareegin ciyaartoyda da’yarta ah.

Real Madrid ayaa hadda jabinaysa heshiiskaas, waxaanay laacib da’yar ka doonatay kulliyadda Atletico Madrid oo ay kala soo wareegayso Jesus Fortea oo ka ciyaara difaaca midig.

Laacibkan oo dhashay sannadkii 2007 ayaa la sheegay inuu leeyahay hibooyin cajiib ah iyo saansaan uu ku noqon doono xiddig weyn, waxaana uu Real Madrid gacanteeda soo galay horraantii bishan inkasta oo aan wali lagu dhawaaqin heshiiskiisa.

Saddex sannadood ka hor ayay Atletico kala soo wareegtay Jesus Fortea kooxda Levante, hadda yeeshee Real Madrid ayaa uga gacan-haadisay oo uu dharkeeda xidhan doonaa xilli ciyaareedka soo socda.

Los Blancos ayaa la kulantay wakiillada da’yarkan waxaanay isla meel dhigeen mustaqbalkiisa oo hadda usoo guuraya kulliyadda Real Madrid oo uu muddo sannado ah ku jiri doono ka hor inta aanu usoo dallicin kooxda koowaad.

Toni Munoz oo ka mid ah wakiillada Jesus ayaa waxa uu warbaahinta u sheegay, in xidhiidhka kala dhexeeya boodhka Atletico Madrid uu muhiim u ahaa in laacibkani uu yimaaddo Real Madrid.

Wargeyska Marca ayaa sheegay, in tallaabada ay qaadday Real Madrid ay horseedi doonto in Atletico ay iyaduna ku dhaqaaqdo falal aargoosi ah oo ay isku daydo inay kulliyadda Real Madrid ee La Fabrica ka jiidato ciyaartoyda da’yarta ah ee aan ku qanacsanayn inay halkaas sii joogaan.

Leave a Reply