Wasiirka Cadaaladda oo Kormeeray Xabsiga Laascaanood oo ay Ku Jiraan Maxaabiis Tirro Badan

0
187

Laascaanood (Dawan): Wasiirka wasaaradda Cadaaladda Somaliland Saleebaan Warsame Guuleed, oo safar shaqo ku jooga gobolka Sool ayaa shalay soo kormeeray xabsiga dhexe ee magaaladda Laascaanood iyo goobo kale.

Sidoo kale wasiirku waxa uu kormeeray saldhigyadda booliska magaaladda Laascaanood, iyo xafiiska wasaaradda Cadaaladda ee isla magaaladaasi.

Wasiir Saleebaan Warsame Guuleed, ayaa kormeerkaasi ka dib waxa uu kulan la yeeshay maamulka gobolka Sool, ka degmadda Laascaanood, iyo masuuliyiinta Nootaayooyinka magaaladda Laascaanood ka hawl galla, iyo bahda garsoorka ee gobolka Sool.

Waxaanu wasiirku bahda garsoorka iyo masuuliyiinta Nootaayooyinka kala hadlay hab sami u socodka hawlahoodda shaqo.

Kulankaasi uu la yeeshay maamulka gobolka iyo ka degmadda oo ka qabsoomay xarunta badhasaabka gobolka Sool, waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha gobolka Sool Cabdikariin Aadan Xaaji Diiriye, guddoomiye ku-xigeenka, iyo maayarka Laascaanood.

Saleebaan Warsame Guuleed, oo kormeerka uu ku tegay xabsiga dhexe ee Laascaanood waxaa ku wehelinayay guddoomiyaha gobolka Sool, maayarka Laascaanood, iyo masuuliyiin kale.

Waxa kaloo ay wasiirka iyo masuuliyiintaasi soo kormeereen taliska qaybta ciidanka asluubta ee gobolka Sool, halkaasoo uu kubsoo dhaweeyay taliyaha ciidanka asluubta ee Laascaanood.

Wasiirka wasaaradda Cadaaladda Saleebaan Warsame Guuleed, oo ka warbixinayay waxyaabihii uu xabsiga Laascaanood ku soo arkay waxa uu sheegqy in xabsigaasi oo la dhisay 70 sanadood ka hor ay magaaladu gaadhay halka uu ku yaallo, isla markaana uu hadda cidhiidhi ku yahay maxaabiista ku jirta.

Waxaanu yidhi “Maxaabiista waan dhex galnay, waanan soo eegnay xaaladoodda. Xabsiga dhexe ee magaaladda Laascaanood waxaa la dhisay muddo hadda laga joogo 70 sanadood.

Waanan dareemaynaa in xabsigu ku yaallo meel magaaladda dhexdeedda ah, oo cidhiidhi ah.

Waxaana jirta in magaaladu soo gaadhay halka uu xabsigu ku yaallo, waanan dareemaynaa in maxaabiistu ay tiro badan yihiin, waxaana jirta in askarta ciidanka asluubtu ay dhibaato kala kulmaan marka ay waajibaadkoodda shaqo gudanayaan”.

 

 

 

Leave a Reply