Aqoonta Sayniska Iyo Nolosha!

0
509

Waxa dunida weli yaab ku ah sababta ay khubarada Sayniska iyo kuwa falsafaddu ay naftooda iyagu u galaaftaan iyagoo bulshada caan ka dhex noqday, aqoona soo kordhiyay.

Mr. Kelly  Wuxu ahaa khabiir hubka Bailojiga ah oo u dhashay dalka Ingiriiska kana tirsanaa  wasaaradda gaashaandhigga ee Ingiriiska.  Khabiirka Kelly waxa kale oo uu ka mid ahaa xubnihii qaramada midoobay u xulatay Ciraaq sanadkii 1994-1999 si ay usoo baadhaan hubka halista ee Sadaam Xuseen lagu eedeeyay inay haysato.

Waraysi uu la yeeshay saxafiga BBC Anthony Gilgen oo ku saabsana shakiga iyo been-abuurka Pentagon ee hubka Ciraaq iyo warbixinta burburinta ah ayaa ku abuurtay Mr.Kelly dhibaatooyin nafsaani ah.   Bishii July 17, sanadkii 2003 ayaa maydkiisa laga helay guri u dhow Oxfordshire. Baadhis rasmi ah (Official reports) oo lagu sameeyay ayaa muujisay inuu qaatay 29 kiinin xanuun biiye (painkiller) waxaana uu sababay inuu gooyo hawlabaha bidix ee jidhkiisa, isagoo nacay nolosha oo doonayay inuu dhinto. Kelly waxa uu dhashay sanadkii 1944.

Mr.Valery Legasov isaguna waa Khabiir Saynisyahan oo dalka Ruushkana u dhashay waxaana uu lahaa aqoon ku xeel dheer cilmiga chemisteriga,  isla markaana wuxu xubin ka ah Akaadamiga sayniska ee Ruushka. Waxa uu dhashay sanadkkii 1936, si cad ayuu uga hadli jiray halista uu leeyahay hubka Atomic.

Wuxu ka mid ahaa xubnaha guddi loo doortay inay soo baadhaan qaraxii hubka halista ee 1986 ka dhacay Torshabil ee Ruushka, isagoo ka soo diyaariyay warbixin halista hubkaasi. Laakiin arintaasi aya keentay in dawladdu ka cadhooto kana saarto liiska dad loogu talo galay in la siiyo biladda geesinimada ee Ruushka.  Mr.Valery Legasov waxa la sheegay in markii uu ka jiray baadhista qaraxii Torshible ee Ruushka ka dhacay 1986, uu soo gaadhay shucaaca Nuyucliyeerka , taasi oo ku keentay niyad jab uu xakamayn kari waayo. Waxaana la sheegay in 27 Abril sanadkii 1988 uu is dilay.

Leave a Reply