Imaaraadka oo Gacan ka Geysanaya Qamandi laga Beerayo Somaliland

0
251

Hargeysa(Dawan):-Xukuumadda Somalilan  ayaa  sheegtay in Baanka   Imaaraadka Carabta ay ka wada hadleen sidii dalaga Qamadida ay ugu  beeri lahaayeen  dalka.

Wasiirka Wasaarada Horumarinta Beeraha Somaliland Cabd Cabdiqaadir Iimaan Warsame ayaa waxa uu  sheegay in Baanka Imaaraadka carabta ay soo ogaadeen in  Somaliland tahay meesha ugu wanaagsan ee  Qamadi ka bixi karto,

Cabd Cabdiqaadir Iimaan ayaa sidan ka sheegay hadal uu shalay  ka jeediyay  Tababar loo furay isku duwayaasha
Gobalada iyo Degmooyinka dalka ee Wasaarada beeraha oo lagaga hadlayay Xoojinta nidaamka xogta Beeraha,Waxaana uu yidhi”Waxa aynu soo saarnaa waa  Basal saladh Basbaas iyo Liin dad cunto haysta oo dhargay ayuunbaa cuna,waxa aynu u baahanahay in aynu soo saarano cuntadii aynu cunaynay waana in aynu cimilada la jaanqaadno waxaana aan ka soo helay Dawlad Deegaanka Soomaalida Qamadi ku baxaysa labo bilood 18 cisho waxaana aanu ku bilownay tijaabadii  deegaanka Beer Galbeedka waa lagu bilaabay.waana in la kordhiyo wax soo saarkii Qamadida waayo wakhti gaabana waaku baxaysaa Qamadida waxaana laga sameeyaa roodhida,”.

Sidoo kale Wasiirka  ayaa waxa uu tilmaamay in wefti ka socda baanka Imaaraadka carabta  ay  socdaal ku iman doonaan dalka bisha soo socota.Waxaana uu yidhi”Waxa aanu la kulanay bangiga ugu wayn ee  Imaaraadka carabta  Madaxweynaha waa  u yimideen,waxaana ay soo ogaadeen in Somaliland tahay meesha ugu wanaagsan ee qamida ka bixi karto.waxaana ay yidhaahdeen anagaa beerayna ee naga iibiya bisha soo socota ayaa wefti soo dirayaan,”.

 

   

 

 

 

Leave a Reply