Iskuulku Jeel maaha ee Carruurtiina ka daba yimaadda.”Maamule Ibtisaan

0
347

Hargeysa(Dawan):- Maamulaha Dugsiga hoose dhexe ee Gurya samo Ibtisaan Ibraahin Ismaaciil,ayaa farriin u dirtay waalidiinta ay aradaydoodu dhigato dugsiga Gurya Samo.

Gacan ka geystaan dhismaha isguulka gaar ahaan barxadda dugsiga Gurya Samo oo ay doonayso in ay Mar Mar dhigto.

Waxaa kale oo ay waalidiinta ugu baaqday in ay ka war hayaan xaaladda ardaydooda.

Waxaanay sidaa ka sheegtay munaasibad ballaadhan oo maamulka Dugsiga Gurya Samo uu u qabtay ardayda kaalmaha hore ka gashay Imtixaanka Sannad dugsiyeedka 2022.

Waxaana munaasibada dhankiisla hadal ka jeediyay Maamulaha Galinka Dambe ee Dugsiga hoose dhexe ee Gurya Samo.

Xaamud Cadbi Cabdilaaho oo waalidka xasuusiyay in ubadka ay abaalmaiyeen ee guulaystay iyo kuwa aan guulaysan ba in ay yihiin ubadkoodii loona baahan yahay in ay ka war hayaan.

Waxaanu yidhi. “ardayda aad waalidoow noosoo dirto ma la socotaa in dhexdeena macaln kale ka heli karo oo uu labadeena dhexdooda ka bixi karo haddii aanad ka daba iman oonad isguulka ubadkaagu dhigtaan aanad ku xidhnaan.”

Maamule Ibtisaan oo ka hadlaysay baahida dugsiga Gurya samo ayaa tidhi. “dhammaan Isguulka dhismeyaashiisu way dhisan yihiin imika daarada ama barxadda isguulka Ayaan doonayay in aan mar mar dhigo cidda uu sugayaana waalidoow waa idinka,midda kale Isguulku xabsi  iyo Jeel inta qof lagu xidh lagaga cararao maha ee ubadkiina ka daba yimaadda oo ala xisaabtama oo waxay dhigtaan ogaada.”

 

Waxaa kale oo munaaisbada isguulka Gurya Samo u qabtay ardaydiisa ka qayb galay kala hadlay guddoomyaha waxbarasahda degmada  Hargeysa iyo waalidiin dhammaantoodna waxay ka hadleen muhiimadda ay leedahay in isguulka wax laga qabto oo gacan laga geysto baahida isguulka.

Ugu dambayn waxaa shahaadooyin a guddoonsiiyay ardaydii kaalmaha hore ka gashay Imtiaankii shahaadiga ahaa.

 

Leave a Reply