Sacuudiga ayaa xidhay muwaadin Maraykan ah xilli ay xiisadi u dhaxeyso Washington iyo Riyad

0
326

Muwaadin Maraykan ayaa lagu xidhay dalka Sacuudi Carabiya iyada oo loo ciqaabayo qoraallo uu soo dhigay twitter-ka oo la xidhiidha mowduucyo ay ka mid yihiin dagaalka Yemen iyo dilkii 2018 ee weriye Jamaal Khaashuqji, sidaasna waxa sheegtay wakaallada wararka AFP .

Saad Ibrahim Almadi, oo ah 72 jir asal ahaan ka soo jeeda Sacuudiga, ayaa waxaa bishan lagu xukumay 16 sano oo xabsi ah.

Kiiskan ayaa uga sii daraya xiisadda markii horeba kacsaneyd ee ka dhex-oogan Riyadh iyo Washington oo muddo fog saaxiibo ahaa balse hadda isku haya go’aanka ay dalalka OPEC+ ku dhimeen wax soo-saarka saliidda.

Almadi ayaa la xidhay markii uu Sacuudiga yimid bishii November ee sanadkii tegay si uu ugu bixiyo laba toddobaad oo safar ah, waxaa sidaas sheegay wiilkiisa Ibrahim oo toddobaadkan shaaciyey kiiska.

Ibrahim ayaa ku dhaleeceeyey saraakiisha Maraykanka inay ku guul-darreysteen inay xaqiijiyeen sii dayntiisa.

Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka ayaa Salaasadii sheegtay inay “si joogto ah oo xooggan ay walaaca kiiskan ula wadaagtay xubno sare oo ka tirsan dowladda Sacuudiga,” islamarkaana u sheegtay “In xoriyadda hadalka aanay marnaba aheyn in dambi laga dhigo.”

Arbacadii, Ibrahim ayaa AFP la wadaagay liiska qoraallada Twitter-ka ee caddeyn ahaanta loogu adeegsaday aabihiis — xogtaas oo uu sheegay in sidoo kale ay xaqiijisay Waaxda Arrimaha Dibedda.

Waxaa ku jira qoraallo la xidhiidha canshuuraha, burburinta goobo ka mid ah Makka iyo magaalada Badda Cas ku taalla ee Jeddah.

Mid ka mid ah qoraallada ayaa su’aalaya sababta mas’uuliyiinta Sacuudiga aanay u awoodin inay ka hortagaan weerarada Xuutiyiinta Yemen.

Qoraal kale ayaa ku saabsan “naf-hurnimada” Kaashuqji, kaasi oo dilkii ay wakiilo Sacuudiyaan ah ugu dhex gaysteen qunusliyadda Sacuudiga ee Istanbul 2018 uu dhaliyey caro caalami ah.

Saraakiisha Sacuudiga ayaa sidoo kale taleefonka Almadi ka helay sawir gacmeed aanay jecleysan oo laga sameeyey dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan, sida uu sheegay Ibrahim.

Leave a Reply