Nooluhu Wuxu Ku Jira Halgan Joogto ah!

0
350

Jiirku wuxuu godkiisa kasoo baxaa isagoo raadsanaya wixii uu qaadan lahaa, kuwaasi oo inta badan ah xayawaanka ka itaalka yar. Ma jiro noole cunto la’aan karaa. Xayawaanka itaalka daranina waxuu sii ugaadhsanayaa mid ka kasii itaalka daran.

Haddaba Rahu wuxu ka mid yahay xayawaanka caanka ah ee dunida kaasi oo laga helo qaarad kasta. Waxaana la sheegay inuu ka kooban yahay 2700 nooc, qaybo beriga ku nool oo biyaha gala wakhtiga ay tarankoodu gaadho,  iyo kuwo berriga iyo biyahaba ku nool.

Rahu wuxu dhalaa markiiba malaayiin beed ah, waxaana uu markiiba ku daboola walax jilicsan oo aad u dhadhan xun si uu uga ilaaliyo xayawaanada kale ee cuni lahaa.

Rahu wuxu ku ugaadhsadaa carabkiisa dheer taasi oo la ogaaday inuu leeyahay maado sida laydhka ugu dhegta hadba cayayaanka uu rabo inuu cuno. Waxa kale oo uu leeyahay laba dhegooda oo marka uu doono jidhkiisa kuwada dabolo. Waxa iyana mucjiso noqotay in Rahu marka uu ku jiro biyaha uu ka neefsado xuubkiisa sare. Xuubka ayaa leh godad yaryar oo khafiif ah oo u fudaydinaya inay hawada ogsiijiintu soo marto. Laakiin marka uu beriga joogo waxa uu ka neefsada sanbabadiisa.

Raha ayaan raashinka aad ubadsan waxaana uu todobaadkii wax u cunaa saddex ama ugu badnaan afar jeer.

Leave a Reply