Hawd: Wasiirka Arimaha Dibadda oo soo kormeeray goobaha Diwaangalinta Codbixiyayaasha

0
257

Baligubadle (Dawan)- Wefti uu hogaaminayo Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibadda Somaliland Dr.Ciise Kayd Maxamuud Raagsaale oo shalay socdaal ku tagay Gobalka Hawd ayaa soo kormeeray Deegaamada Gobalka ee Diwaangalinta Codbixiyayaasha ka bilaamatay.

Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibadda Somaliland Dr.Ciise Kayd Maxamuud Raagsaale iyo Xoghayaha guud ee Xisbiga Kulmiye Faysal Cabdiraxmaan Madar ayaa shalay soo kormeeray goobaha ay ka bilaamatay Diwaangelinta Cod-bixiyeyaasha Doorashooyinka ee Gobalka Hawd.waxaana ay ay u kuur galeen sida hawl wadeenada Koomishanka Doorashooyinka u wadaan Diwaangalinta Codbixiyayaasha.

Wasiirka Arimaha Dibadda Somaliland Dr.Ciise Kayd Maxamuud Raagsaale iyo Xoghayaha guud ee Xisbiga Kulmiye Faysal Cabdiraxmaan Madar oo socdaal ku tagay Gobalka Hawd ayaa waxa ay soo kormeereen Deegaamada Gobalka Hawd ee Diwaangelinta Cod-bixiyeyaasha ka bilaamatay.

Weftigan uu hogaaminayay Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibada ayaa waxa ay ku booriyeen Dadweynaha ku dhaqan deegaamada Gobalka Hawd ee ay socdaalka ku soo mareen in ay qaataan kaadhka Diwaangalinta Codbixiyayaasha Doorashooyinka.

 

 

Leave a Reply