Dr. Xergeeye agaasimaha guud ee wasaaradda Caafimaadka oo sheegay in Sideed Boqol oo kun caruur ka badan ay ka talaalayaan Cudurada Jadeecada iyo Dabaysha

0
273

Barnaamijkeena caafimaadka ee toddobaadkan waxa aynu ku soo qaadan doona wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland oo 101-da degmo  ee Somaliland carruurta ku nool ka talaalaysa cudurada Jadeecada iyo Dabaysha, talaalkan oo ay fulinayaan kun qof oo shaqaale caafimaad ah, oo wasaaraddu u tabbabartay.

Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland, oo la hadlay barnaamijka caafimaadka ee Wargeyska Dawan, ayaa sheegay in ay ugu talogaleen in talaalkan la gaadhsiiyo sideed boqol iyo konton kun oo caruur ah, oo ku kala sugan dhammaan tuulooyinka iyo degmooyinka Somaliland.

Sidoo kalena degaanada Miyiga ee aan lahayn waddooyinka gaadiidku maraan ayuu sheegay in shaqaaluhu lug ku galayaan si dhammaan carruurtu talaalka u helaan.

Wareysigii Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye uu siiyay barnaamijka caafimaadka ee Wargeyska Dawan ayaa u dhigna sidan.

1 Waa maxay tallaalka aad bilawdeen agaasime?. “Talaalka lagaga hortago xannuunka dabaysha iyo jadeecada ayaa guud ahaan dalka aanu ka bilownay, waxa kale oo la socday Fitamiin A, oo ah maddo ay u baahan yihiin caruurta iyo dadka waa weyn qaarkood, oo indhaha iyo meela badan oo jidhka ah waxtar u leh iyo kiniin xagga Gooryaanka carruurta wax uga taraya”

2 Sidee loo fulinayaa tallaalka? “Talaalkan waxa laga fulinaya gobollada dalka oo dhan waxa fulinaya kooxo tababaran oo wasaaradda horumarinta caafimaadka, marka kooxo kala duwan ayaanu u dirnay gobollada iyo degmooyinka dalka 500 oo kooxood waxa ay u baxayaan dhinaca magaalada halka 550 kooxood in ka badana ay u baxayaan xagga Miyiga, marka miyi iyo magaalaba waala wada gaadhayaa, waxaana gaadhaya shaqaale isku dhafan oo shaqaalihii nafaqada iyo kuwii khibrada u lahaa tallaalada, oo gaadhaya miyiga iyo magaaladaba oo bixinaya tallaalkan, iyo maadooyinka kale ee nafaqada ah ee la socda tallaalka intaba”

3 Immisa degmo iyo tuulo ayaa laga fulinayaa tallaalka? “Dhammaan tuulooyinka dalka  oo ah 101-da degmo ee dalku ka kooban yahay, tuulo, degmo iyo gobolkasta waanu ka fulinayna talaalkan”

4 Immisa carruur ah ayaa la beegsasanayaa in fayskaan lagu tallaalo?. “Talaalkani waa in ka badan sideed boqol iyo sideetan kun oo caruur ah oo xannuunka Jadeecada aanu ka tallaalo dhibcihii Dabayshana la siiyo, isla markaana la siiyo Fitamiin A, iyo kiniinka daaweeya Gooryaanka,”

5  Maxaa laga yeelayaa carruurta ku sugan deegaanada miyiga ah ee magaaooyinka ka durugsan?. “Gobolkasta iyo degmo kasta iyo tuulo kasta waxa aanu ku jahaynay koox caafimaad oo ka hawlgasha, marka kooxaha kunka ah ee hawlagalaya waxay ka hawlgalayaan waddanka oo dhan, degsiimo kasta oo dalka ka mida oo reer miyigu degan yihiin waxa aanu ugu tallo galnay in aanu wada gaadhno, tallaalkuna shan cisho ayuu soconaya, shanta cisho intii aan lagaadhin ayaa haddana la gaadhsiinayaa, labada waji ayuu u qabsoomaya waxa aanu ugu talo galnay in caruurta laga tallaalo xannuunka Dabaysha iyo Jadeecada”

6 Maxaa keenay in xiligaan tallaalka la sameeyo?. “Meelaha gaadiidku gaadhiwaayo kooxaha caafimaadku waxa ay isticmaalayaan lugtooda, waxa ay isticmaalayaan gaadiidka kale ee lagu maro meelaha Miyiga ah, sida Awrta iyo wixii kale ee ay u baahdaan, xata meelaha aan  baabuur mari karin kooxaha caafimaadku way galayaan, marka waxa aanu ugu talogalnay in aan ilmana la  iloobin, oo dalka guud ahaantii ilmakasta halka uu joogo loogu tago,”

7 Cudurada carruurta laga tallaalayo ma waxaa la  ogaaday in ka jiraan deegaanada Somaliland. “Sababta keentay in aanu tallaalkan sameyna waxa ay tahay xannuunka Jaceedu waa dila soo noqnoqda, marka horena tallaalkiisu waxa uu yaala xannaanooyinka, balse waxa la sameeyaa in ololayaal la sameeyo, si dadka aan soo gaadhay meelaha hooyada iyo dhallaanku tallaalkii u helaan iyo si looga hortago dilaaca xannuunka, marka labadii sano ee u danbeeyay maanan qaban balse hadda waxa aanu qabanay olole weyn oo aanu kaga hortagayno in xanuun dilaaco,”

8 Xannuunadan ma kuwo Somaliland uun lagu arkayba mise meelo kale ayaa jira?“Haa xannuunadan kala duwan ee tallaalkooda aynu fidina waa kuwo la ogyahay in ay ka jiraan degaanadeena, isla markaana waa xanuuno la ogyahay in ay dilaac sameeyaan, marka xanuunka Jadeecada oo dilaa ah ayaanu xooga saarna si aanu u galaafan caruur, ayaanu markasta sameyna olole balaadhan oo lagaga hortageyo, sababto ah xannuunk Jadeecadu waxa uu ku jira safka hore xannuunada laaya carruurta sidaas ayaanu ku talo galnay in aanu olole ku sameyno dhawrkii sanoba hal mar, Dabayshuna waa xanuun jira oo dunidda laga cidhibtirayo, marka cidhibtirkii ayaynu qayb ka nahay, meel fiican ayaynu cidhibtirkii ka maraynaa, iyadana sidaasi ayaanu ugu dadaalayna in aanay marnaba madaxa la soo kicin, oo waxa aynu ku rajo weynahay in dalka guud ahaan laga waayo”

9 Ga’gabadii maxay tahay nuxurka fariinta aad u dirayso waalidiinta ubadka dhalay? “Waalidiinta waxa aan ugu baaqaya ka faa’idaysta fursada guriga idiinku timid, waxa aan ka codsanaya in ay talaalaan caruurta, carruurta la talaalaya waa kuwa shanta sano ka yar, balse ilaa 9 jir waala talaali karaa, haddii uu talaal mar hore qaatay waxa uu u noqonaya xoojin, haddii aanu qaadana waaka la doonayo in la talaalo,”

 

 

 

 

Leave a Reply