Daawooyinka Qadiimka Ah Iyo Casrigan!

0
300

Wakhti fog ayay dadku ogaadeen dawaynta ilkaha iyo buuxintoodaba, dariiqooyinka ugu muhiimsan ayaa ah in la isku daro tubaako, subag Riyaad, basal. iyo dhir loo yaqaano Baanj oo midho madow. Waxaana la sheegay in kuwaasi wakhtiyo badan la isticmaalayay. Casrigan kama foga daawooyinka loo isticmaalo ilakaha kuwaasi dhirta ah ee jiray waayadaasi hore.
Madax xanuun, suuxdin, iyo xanuunada kale ee maskaxda ama waalida ah waxaa lagu daaweeyn jiray habab kala duwan, waxaana dhakhaatiirtu daloolin jireen lafta sare ee madax qof kasta oo xanunkaasi ka cabanaya waxaana loo yaqaanay “ Trephination “ waxa uu ahaa qaliinadii ugu horeeyay ee dunida. Nidaamkani waa mid caan ka ahaa taariikh dhaqameedka Maraykanka, iyo sidoo kale wakhtiyadii loo yaqaanay Fufka “Renaissance”.Waxaana uu ahaa dawayntii ugu weynd ee la isticmaali jiray madaama xanuunada madax ay badnaayeen
Dhakhaatiirtaa hore waxay ku dawayn jireen macaanka jimicsi joogto ah iyo dawooyinka dabiiciga ah, laakiin haddana may keenin natiijooyin waxtar leh, maadaama bukaano badani u dhimanyeen xanuunkaasi.

Leave a Reply