XIKMADA MAANTA

0
406
  • Wakhtiga adag waxa lagu gartaa sabirka qofka, doodana waxa lagu ogaada caqliga
  • Xaaladaha iyo isbedelkoodana waxa lagu ogaada kartida dadka
  • Quluubta wanaagsan waa tan runta taqaan, qofka wanaagsani waa ka aan wakhtigu ku ilowsiin.
  • Deeq waxa ugu wanaagsan duco lagaa aqbalay adigoon ogayn.
  • Si aad u noqoto xirfad yahan loo baahan yahay waa inaad ku dadaasho aqoon aanay dadku baran, si aad u noqoto indheer garadna waa inaad samaysaa hadaf aanu qofna kula arkayn oo kuu muuqda adiga.
  • Waxa ugu muhiimsan ee aabuhu caruutiisa u qaban karaa waa isagoo jeclaada hooyadood.
  • Way fiicantay inaad ubax ku beerto goob kasta, waxase ka wanaagsan in carab kasta aad ku beerto xusuusta Allah.

Leave a Reply