Wasaaradda Caddaalada oo soo Saartay Qaraar la Xidhiidha Nootaayooyinka Dalka

0
256

Hargeysa (Dawan)- Wasaaradda Caddaaladdu Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shalay oo ay tariikhdu ahayd 25 – 1-2023, waxay soo saartay qaraar la xidhiidha dhamaan nootaayooyinka dalka ka jira, kaas oo ku saabsan in ay soo bixiyaan cashuur sanadeedka ku waa jibtay nootaayooyinka dalka.

Wasaaradda Caddaaladdu Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ku amartay dhammaan nootaayoonka dalka ka jira in ay muddo bil ah ku soo bixiyaan cashuur sannadeedka ku waajibtay sida uu dhigayo qodobka 22aad farqadiisa 2aad ee xeerka nootaayooyinka Somaliland.

Qaraarka ay soo saartay Wasaaradda Caddaalada Jamhuuriyadda Somaliland oo dhammaystiranina waxa uu u dhignaa sidan :- “Wasaaradda Caddaaladdu JSL waxa ay maanta oo ay tariikhdu tahay 25 – 1-2023 ku wargalinaysaa dhamaan nootaayooyinka dalka ka jira in ay cashuur sanadeedka ku waa jibtay nootaayooyinka sida uu dhigayo qodobka 22aad farqadiisa 2aad ee xeerka nootaayooyinka Xeer Lr:18 /2001 in ay mudo bil gudaheed oo ka bilaab maysa 25 – 1 – 2023 ilaa 25 – 2 – 2023 ay ku soo cusboonaysiistaan ruqsadahooda nootaayo.

Sidaa darteed waxa aanu mar labaad ku adkaynaynaa in ay sida ugu dhakhsaha badan ay ku soo cusboonaysiistaan ruqsadahooda kii mudadaas ku soo cusboonaysiin waaya waxa laga qaadi doonaa talaabo sharciga waafaqsan.”

 

Leave a Reply