Sida Loo Kasbado Dadka!

0
301

Adigoo ku guda jira hawsha ganacsigaga ayaa laga yaaba inaad la kulanto macamiil aad u xanaaqsan oo cabanaya, iyadoo ay dhici karto in macmiilku ka mid yahay dadka sida weyn kuugu xidhan, isla markaana ah kuwa aan shucuurtooda qarsan Karin ee xanaaqa dhow.

Markaad arinkaasi aragto adigu is deji oo faham heerka cabashadiisa iyo nooceeda, eray qudha oo jawab xun waxa kaaga lumi kara macmiil muhiim ah iyo macaash joogto ah. Ogow macmiilku isaga ayaa saxan waayo cabashada laftigeeda ayaa ah tabasho iyo wax ka maqan oo uu dareemayo oo mararka qaarkood uu fahamkeeduba ka maqan yahay.

Hadii qof ka macaamilka ahi qaylinayo oo xanaaq uu cirka marayo, weligaa jawaab xun ha siin. Sababtu waxa ay tahay xanaaqa xoogan, qaylada dheer ayaa muujinaya  dareenka qof ka macaamilka ah taasi oo banaanka u soo saartaa dareen xun iyo cuqdada ku jirta qofka oo aad markaasi si fudud xunuunkasi u bogsiin karto. Dulqaadka iyo kelmadaha wanaagsan ayaa sida biyuhu dabka u bakhtiiyo u bakhtiinaya cadhada ololka ah ee ka soo butaacaysa saxiibka macmiilka muhiimka ah.

Markaad damiso cadhadiisa weligii kuma ilaabayo, xataa waxaad arki doontaa isagoo ka sheekaynaya maalintii inuu idinku khaldamay iyo raali gelin we;iba raali gelin joogto ah.

 

Leave a Reply