Ciidanka Qaranku Dalkoodii ayay joogaan kana bixi maayaan”

0
434

Laascaanood (Dawan) Taliyaha Ciidanka Qaranka Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani ayaa sheegay in Ciidanka Qaranka ee gobolka sool joogaan dalkooda, isla markaana aanay ka bixi doonin.

Taliye Nuux oo khudbad dhinacyo kala duwan taabanaysay ka jeediyey munaasibadda xuska 29aad ee aasaaska ciidanka qaranka oo markii koowaad lagu qabtay magaalada Laascaanood ayaa sheegay in magaalada Boorama 1993-gii lagu qabtay shirweyne Qaran oo lagu soo dhisayey dawladii labaad ee Somaliland oo madaxweyne ka noqday AHN Maxamed X Ibraahim Cigaal, halka Madaxweyne-xigeen u noqday Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, halka Wasiirka Daakhiliga uu noqday Madaxweynaha wakhtigan Md Muuse Biixi Cabdi. Xukuumadii waxay bilowday aasaaska ciidan qaran oo nabadgelyada dalka suga, maadama ay jireen maleeshiyaad aan cidna xukumin, oo dhibaatooyin nabadgelyo daro abuurayey.

“1994 waxa la dhisay ciidan shan boqol ah, oo ka koobna dhamaan beelaha Somaliland, laguna salleeyey saamigii beelaha ee golaha Guurtida.”

Waxa la dhisay guutadii koowaad, guutadii labaad ilaa la soo gaadho halka aynu maanta joogno, ka dib waxa lagu dedaalay in ciidankii tayadooda sarre loo qaado, oo tababar la geliyo.

Taliye Nuux ayaa sheegay in himilada labaad ee xukuumadii wakhtiga ahayd fidinta maamulka dawliga ah, iyo in nabadgelyada la gaadhsiiyo dhamaan gobolada dalka.

Mar uu ka hadlayey tabarada kala duwan ee Ciidanka Qaranku helay shanti sannadood ee u dambeeyey ayuu sheegay in todoba kun oo askari dugsiyada kala duwan uga soo baxeen, kuna biireen ciidanka Qaranka.

Dugsiga Saraakiil-xigeenka Mujaahid Harag-waafi waxa tababar ku qaatay todoba boqol oo saraakiil-xigeen ah, sidoo kale kuliyada saraakiisha Cabdilahi Askar wax tababar saraakiil ku qaatay shan boqol oo sarkaal.

Dhinaca tababarada dibedda ayuu sheegay in soddon sarkaal ku maqan yihiin isugu jira Injineero iyo farsamo-yaqaano sannadka dambe soo dhamaysan doona.

Dhinaca imkaaniyaadka Ciidanka Qaranka ayuu sheegay in laba boqol iyo konton gaadiid cusub oo kala duwan ay heleen

Taliye Nuux ayaa sheegay iyagoo isku tashanaya ay dib u habayn ku sameeyeen shan urur oo madaafiicda goobta ah, oo imika shaqeeynaya oo diyaar ah, sidoo kale laba urur oo tawaangida ah ayaa la dayactiray oo shaqeynaya.

Dhinaca dhismaha ayuu sheegay Taliye Nuux in la soo kordhiyey laba iyo lixdan dhisme cusub kala duwan oo isugu jira hangaro, xafiisyo, guryo la seexdo iyo kuwo kale.

Taliye Nuux ayaa sheegay in horumarka Ciidanka Qaranku gaadhay mudooyinkii u dambeeyey aad u badan yihiin, isla markaana waajibaadkoodu ku ekeyn difaaca xuduudaha dalka, balse dhinaca kala ka qeybqaataan arrimaha bulshada marka loo baahdo

Dhinaca Ciyaaraha dhamaan koobabkii orordada ciyaaryahada ciidanak Qaranka ayaa ku guulaystay, tartankii horyaalada kubada cagta ciyaaryahanada Gaashaan ee ciidanka Qaranka ayaa kaalinta koowaad iyo labaad ku guulaystay.

 

 

 

Leave a Reply