Madaxweyne Ku xigeenka Qaranka Oo Qaabiley Guddoomiyaha Iyo Aas-aasaha Aston College

0
104
Hargeysa -(Dawan_ Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa xafiiskiisa ku qaabiley Guddoomiyaha iyo aas-aasaha Aston College, Mudane. Tony Osmani, oo ay wehelinayaan guddoomiyaha Jaamacadda Gollis, Mudane Siciid Maxamed Axmed iyo Marwo. Nasriin Muxumed Axmed oo ka mida masuuliyiinta Jaamacadda.
Kulankan oo ay qayb weyn ka ahayd Jaamacadda Gollis oo iyagu dalka keentay Guddoomiyaha iyo aas-aasaha Aston College si uga mid noqdo horumarka dhinaca waxbarashada ee dalku ku tallaabsaday ayaa madaxweyne ku-xigeenka warbixin ka siisay fursadaha qaranka uga bannaan heshiisyada caalamiga ah ee dhinacyada kala duwan leh ee dalka ku soo jiidaya maalgashayadaasha ka imanaya dunida dacaladeed.
Waxaana kulankaa lagu lafo-guray xoojinta iyo iskaashiga u dhexeeya waxbarashada Jaamacadda Gollis ee Somaliland iyo Aston College ee dalka Australia sidii loo balaadhin lahaa ee ay ardayda ka baxda Somaliland deeqo waxbarasho uga heli lahaayeen dalkaas.
Dhinaciisa Guddoomiyaha iyo aas-aasaha Aston College, mudane. Tony Osmani, waxa uu sheegay inuu dalka ku arkay horumar ballaadhan oo dhanwalba ah, gaar ahaana dhinaca waxbarashada dadkiisina gaadhsiin doono fursadaha maalgashi ee halkan ka bannaan.
Ugu danbayna Madaxweyne ku xigeenku waxa uu aad u soo dhaweeyey iskaashiga labada dhinac, waxaanu ku aammaanay jaamacadda Gollis kobcinta iyo horumarka waxbarashada ee fursadaha kala duwan ee ay ardaydeeda u raadinayso Jaamacaddu.