Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo Daah furay Mashruuca Horumarinta Jaamacadaha Dalka

0
125

Hargaysa(Dawan) Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylic ayaa daah furay mashruuca horumarinta Jaamacadaha PSU, kaas oo ah mashruuc ay ku midoobeen kana wada shaqaynayaan Jaamacadda Hargaysa iyo Jaamacadaha ku yaala dalka Denmark.

 

Mashruucan ayaa waxaa awoodda lagu saaray sidii Jaamacadda Hargaysa ay u samayn lahayd Cilmi baadhisyo xooggan oo dhinaca arrimaha maamulka iyo dhaqaalaha ah.

 

Madaxwayne ku xigeenka Somaliland ayaa si ballaadhan u soo dhaweeyay marshuucan oo uu sheegay inuu uu yahay mid waxtar wayn u leh Jaamacadda iyo dalkaba, waxaanu sheegay inuu wax wayn ka bedeli doono cilmi baadhista Jaamacadda Hargaysa waxaanu yidhi

 

‘’waxaan u mahad naqaynaa dallada Jaamacadaha dalka Denmark oo hawshan wadda iyo Jaamacadda Hargaysa oo hawshan ay ka wada shaqayn doonaan, aad iyo aad ayaan ugu mahada naqaynaa Denmark, intan aan maanta joogno maahee Qarankeena wax badan ayay nagala shaqeeyaan oo ay ka mid yihiin, Dimuqraadiyada, mashaariicda ‘’JPLG’’ la yidhaahdo, mashruuca la yidhaan Somaliland Development Fun, mar walba horumarka kala duwan ee dalka hormood bay ka yihiin dalka Denmark aad baan ugu mahad naqaynaa Safiirka iyo intan la socotaba.

 

Runtii hawshani waah awl aad iyo aad  qiimo badan, waxa weeye dhisid Jaamacadd awood leh, waxa ay ina tusaysaa inay samayn karto wax yaabaha aynu u baahnayn inay wax badan ka qabato caqabadaha ama dhibaatooyinka dalka ka jira iyaga oo samaynaya cilmi baadhis’’.