Somaliland oo ka Guureysa Xeerka Ciqaabta Guud

0
129

Hargaysa (Dawan) Guddida dib u habaynta Shuruucda dalka ayaa muddooyinkii u danbeeyay ku hawlanayd badelista Xeerka Ciqaabta guud ee dalka, kaasi oo ah xeer gaboobay muddo badana lagu soo shaqaynayay, guddida ayaa kulamo kala duwan oo ay yeesheen waxa ay kaga arrinsadeen sidii loo soo gabo’gabayn lahaa dhamaystirka Xeerka Ciqaabta guud.

Xeerka Ciqaabta guud ayaa ah xeer inta badan ka shaqeeyay Maxkamadaha dalka kaasi oo in badan la adeegsanayay laguna xukumayay dadka iyo dalkaba, waxaanay guddidu hadda ku jiraan inay dhamaystiraan badelida xeerka Ciqaabta guud.

Gudoomiyaha Guddida dib u habaynta Shuruucda Somaliland Prof Maxamuud Xuseen Faarax  ayaa Maanta  shir Gudoomiyey Kullan Lagu Falan-qaynayey dhamaystirka Xeerka Ciqaabta Guud ee Somaliland oo ay hawshiisa ku jireen mudooyinkii u danbeeyay.

Waxaana Kullankaas oo ka dhacay Hoolka Shirarka ee Guddida Goob joog ka ahaa Gudoomiye ku-xigeenka Guddida dib u habaynta Shuruucda Mr Muxyadiin Cabdi Xaaji Cali ,Agaasimaha Waaxda Dib u eegista iyo dib u habaynta Shuruucda Garyaqaan Maxamed Axmed Maxamed  iyo Agaasimaha Waaxda Shareecada iyo Fiqiga ee Guddida Dib U Habaynta Shuruucda Somaliland  Maxamed Mahdi Xasan .

Intii Kullanku Socday waxa lagaga wada hadlayey Arrimo Ku saabsan  Xeerka Ciqaabta Guud iyo Sidii Loo Dhamaystiri lahaa xeerka, waxaana kulanka la isula qaatay qaabka ugu haboon ee loo soo dhamaystiri karo xeerkan oo muhiimad wayn u leh dadka iyo dalkaba.

Gebo’gabadii Guddida dib u Habaynta Shuruucda Somaliland waa  Guddi u xil-saaran in ay Dib u habayn ku samayso Shuruucda Dalka gaar ahaana Xeerarka Gaboobay iyada oo la waafajinayo Shareecada Islaamka ,Dhaqankeena iyo Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.