Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta oo Xilka u kala Wareejiyay Agaasimaha Cusub iyo Agaasimihii Hore

0
85

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Md. Cali Maxamed Xasan (Cali Mareexaan), ayaa xilka u kala wareejiyey Agaasimihii guud ee hore ee Wasaaraddaasi Md. Cabdikariin Aadan Cadde oo loo bedelay Wasaaradda horumarinta Maalgashiga iyo Wershadah iyo Agaasimaha cusub ee dhawaan loo soo magacaabay Md. Mustafe Cabdi Ciise (Shiine), munaasibad lagu qabtay hoolka Shirarka ee Wasaaradda maalintii shalay oo Salaasa ahayd.

Munaasibada xil-wareejinta, waxa ka soo qaybgalay xubno kamida golaha Wasiirrada, xildhibaanno ka tirsan golaha Guurtida, Agaasimeyaal guud, madaxda wasaaradda oo ay ugu horeeyaan Wasiirka, Agaasime-waaxeedyada, madax-qaybeedyada iyo shaqaale-weynaha.

Ugu horrayn wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Mudane Cali Maxamed Xasan(Cali Marreexaan) oo xilka labada Agaasime Guud u kala wareejiyay ayaa ka hadlay muhiimadda wasaaraddu u leedahay qaranka iyo xilka ay umadda u hayso.

Waxaanu xusay in barnaamijyada guddi loo saaray isla markaana laga war sugayo dib u habaynta ay ku maqan yihiin.

 

Waxaanu yidhi.“Waynagii guddi usaarnay ee nidhi Barnaamijyadii dib ha loo habeeyo, kollay way inoogu maqan yihiin, tayeyn iyo isbeddel xagga barnaamijyada ah waynu sameyn doona haddii ILLAAHEY yidhaahdo, anaga oo tallooyinkiina iyo waayo aragnimadiina ka faa’ideysaneyna.

Waxa la sameyn doona barnaamijka u wanaagsan ciddii soo saartay, abaalmarin ayaa la siindoona haddii ILLAAHEY yidhaahdo, hibedda iyo hal abuurnimadu isku dhex bakhtiyimeyso wariyaha ugu wanaagsan ayaa abaalgud lasiin doono.

Warka suuqa ka dhaca ee 30 daqiiqo gudahood kaga baxa warbaahinta madaxa banaan, warbaahinta dowladdana gelinka danbe la geliyo kaasi waa war wakhtigiisii dhammaaday oo wax soconaya maaha, Wariyihii shaqada uu qabanayo la soo dhakhsada abalgud weyn ayuu leeyahay, farsayaqaanada iyo suugaanyahanada iyo waaxkasta oo ka hawlgasha wasaaradda hawsheedana si fiican ugudata abaalmarin ayaa la siin doona, cida aanu saaxiibka dhaw noqonaynaa waa cidda shaqadeeda sida ay taha uga soo baxa, dhaqaalaha yar  ee wasaaradda soo galan waxaa lagu qurxin doonaa shaqaalaha iyo wasaaradda.

Waa in Istuudyuhu ka duwanaadaa kuwa kale, waa in Kamaradu ka duwanaataa Kamaradaha kale, waa in shaqaaluhu ka duwanaadaa shaqaalaha kale, ummada ayaa loogu adeegayaa wasaaradda wakhti dhawna waxaa dhici doonta in la yidhaa, wasaaradda Warfaafinta igeeya.

Waxa la idiinka baahan yahay wada-shaqayn fiican iyo midnimo, waayo wax badan bay bulshadu inaga filaysaa, anagana waxa la nooga baahan yahay wixii odaynimo iyo qorshayaal ah koley dhismayaal badanina way inoo soo socdaan’’.

Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Mustafe Cabdi Ciise oo munaasibada ka hadlay ayaa ku dheeraaday ahmiyadda ay qaranka u leedahay Wasaaraddani iyo sida loolla dabaal-karo shaqadeeda.

Waxa kale oo uu iftiimiyey inuu ku niyad-wanaagsan yahay inuu ku soo laabtay bahdii Warfaafinta ee uu hore uga tirsanaa intii aanu saaxada siyaasadda gelin, isagoo halkaasi ka beyaamiyey dabeecada uu ku shaqayn doono oo uu ku lifaaqay arragtida uu aaminsan yahay in lagu maamuli karo Wasaaraddaasi.

Waxaanu yidhi “waxaynu ku shaqayn doonaa isku-duubni iyo innagoo hal Koox ah, waxaan ku faraxsanahay in Wasiir dhalinyaro ah oo karti leh uu iga soo horeeyey, waxaanan isleeyahay waa masuul ku filan in uu innoo soo dhiciyo wixii innagaga xidhan madaxda ka saraysa, innaguna waynu ku filanahay inta hoose. Anigu noqon mayo Agaasimaha Tv-ga Qaranka, noqon maayo Agaasimaha Radio Hargeysa, noqon maayo Agaasime waaxeedyada nin shaqadooda qabta, ee waxaan noqon doonaa mid kor-joogteeya iyagana (Agaasime-waaxeedyada) u daaya shaqadooda” ayuu yidhi Agaasime Mustafe Cabdi Ciise oo madashaasi kaga waramay sooyaalkii uu ka soo shaqaynayey Wasaaradda iyo xilalkii uu ka soo qabtay oo ahaa Tafaftirihii guud iyo Guddoomiyihii Wargeyskan Dawladda ee Dawan oo uu wakhti dheer ka shaqaynayey.

 

 

 

Dhinaca kale xubno kamida Agaasime-waaxeedyada iyo Odayaasha Guurtida ee Wasaaradda, kuwaasoo si kal iyo laab ah u soo dhaweeyey Agaasimaha cusub ee xilka la wareegayey Md. Mustafe Shiine, isla markaana dareen aad u heer sareeya oo ku sagootiyey Agaasimaha hore Md. Cabdikariin Aadan. Agaasime-waaxyeedyada iyo ku-xigeennada halkaa ka hadlay waxay dhamaantood caddeeyeen in agaasimaha hore uu ahaa masuul si karti iyo hufnaan leh shaqada u hagayey, iyagoo si weyn uga mahad sheegtay wada-shaqayntii uu ku hogaaminayey intii xilka hayey.

Sidoo kale waxa ay shucuur iyo shacni sare ku soo dhaweeyeen Agaasimaha cusub Wasaaradda Md. Mustafe Cabdi Ciise oo ah suxufi bahda warfaafinta hore uga tirsanaa oo xogogaalnimo iyo waayo-arragnimo buuxda u leh hannaanka iyo hab-maamulka Wasaaradda.

“Agaasime Mustafe wuxuu ku soo laabtay bahdii uu ka tirsanaa ee Warfaafinta, mana noqon doono qof xilka iyo shaqada ku cusub waxaana laga rajeynayaa waxqabad iyo horumar balaadhan. Sidoo kale waxaan qiraynaa Agaasime Cabdikariin ahaa masuul ixtiraam, karti iyo hufnaan ku shaqaynayey muddadii uu xilka hayey, waxaan labadoodaba u rajeynaynaa inuu xilalka ku asturo”ayey dulucda hadal jeedinta Agaasime-waaxeedyada Wasaaraddu ku uruursanayd.

Xildhibaan Cabdiqaadir Indho-indho, Siyaasi Maxamed Aadan Cilmi (Ilkacase) iyo Sheikh Saleeban oo kamida madaxda Xisbiga Kulmiye oo halkaasi ka hadlay waxay ka wada markhaati furreen xilkasnimada iyo masuuliyadda labada agaasime, waxaanay alle uga baryeen inuu shaqada ku asturo.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda arrimaha dibedda Md. Axmed Abokor iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda horumarinta Beeraha Md. Maxamuud Warsame Jaamac oo kamid ahaa masuuliyiinta madasha ka soo qaybgalay waxa ay  tilmaameen inay labada Agaasime khibrad iyo waayo-arragnimo u leeyihiin shaqada dawladda, isla markaana laga filayo inay dardar iyo dhaqaaq hor leh gelin doonaan wasaaradda maamulka looga dhigay.

Agaasimihii hore ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo wacyi-gelinta oo maanta la wareegaya xilka Agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta Maalgashiga iyo Wershadaha Md. Cabdikariin Aadan Cadde oo halkaa ka hadlay ayaa ka waramay waxyaabihii u qabsoomay intii uu xafiiska joogay, waxaanu sidoo kale si weyn ugu mahad-naqay madaxda Wasaaradda ee ay wada shaqaynayeen iyo Shaqaalaha oo uu tilmaamay inay si hufan ula shaqeeyeen. Agaasime Cabdikariin wuxuu ku nuux-nuuxsaday inay Wasaaradda Warfaafintu hal-bowle u tahay Qaranka dadka ka shaqeeyaana ay yihiin kuwo gob ah oo u hagar-baxa shaqada. “shaqada Wasaaradda maaha wax lagu soo koobi karo Warqad wixii la qabtay oo waa wasaarad balaadhan oo gudaha iyo dibadaba shaqadeedu taallo. Waxyaabaha ugu muhiimsan ee noo qabsoomay waxa kamid ahaa xeerarkii iyo siyaasaddihii waaxyaha Warfaafinta iyo warbaahinta Qaranka oo waxa dhamaaday siyaasadihii wada-xidhiidhka Qaranka, Siyaasaddii Wacyigelinta iyo Xeerka Warbaahinta Qaranka. Waxa kale oo ugu weyn dib u kicinta Idaacadii weynayd ee Qaranka oo in hawada la geliyo sugaysa. Rakibaada afar Idaacad FM oo cusub iyo kordhin lagu sameeyey masaafada idaacaduhu gaadhaan. Waxa kale oo kamida Qalabeynta saddex Istuudiye oo cusub” ayuu yidhi Agaasime