Wasiiro Gaadiid kala Wareegay Hay’addo Caalamiya

0
121

Hargeysa (Dawan) Wasiiradda wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Caafimaadka    Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) iyo  Mudane  Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) ayaa masuuliyiin sar sare oo uu hoggaaminayay madaxa  ururka dhakhaatiirta bilaa xuduudka ah  Maxamed iyo xubno ka tirsan   xafiiska MSF ee Hargeysa.

Wasiiradda wasaaraddaha caafimaadka iyo Qorshaynta ayaa masuuliyiinta Ururka uga mahadceliyay taageerda adeegbixinta xagga caafimaadka ah  ee ay ka wadaan gobollada iyo degmooyinka Somaliland.

Geesta kale waxa ay wasiiradu masuuliyiintan kala wareegeen laba Had Top iyo hal gaadhi oo NOAH, baaburtani ayaa ahaa kuwo ka hawl gali jiray mashruuc dhammaaday waxaana si toosa loogu wareejiyey Wasaaradda Horumarinta Caafimadka JSL.