Ceel biyood Degaanka Daba-raqas Laga Hirgeliyay ee Gobolka Saaxil

0
107

Hargeysa (Dawan) Hay’adda Al-Raxma ee khayriga ah ayaa Degaanka Dabaraqas ee Gobolka Saaxil ka hirkalisay Ceelbiyood oo Qarashka lagu dhisay ay bixiyeen walaalo muxsiniin ah.

Madasha lagu daahfurayey Ceelbiyoodka ayaa waxa kasoo qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan hay’adda Al-raxma iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.

Cabdikariim Maxamed Nuur oo ka tirsan masuuliyiinta hay’adda Khayriga ah ee Al Raxma, ayaa bulshada kula dardaarmay inay ilaashadaan.

Waxaanu yidhi.“Ceel-biyoodkan waxa aanu ka daahfurayna degaanka Gari-go’an waxa ceelkan waqaf ula soo baxday Aamina Cabdi Cumar.

Ceelasha noocan oo kale sababta aanu uqodna waxa ay tahay in bulshadu manaafacaadsato, iyo in beeraleydu wax soo saarka beerahooda uga faa’ideeyaan iyo inay xoolaha ka waraabsadaan, waxaan dadka degaanka ka codsanaya inay ceelkan ilaashadaan, waa dan guud ee wadeecada ka jira”.