“Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu fashiliyay shir-qoolo cadowgu soo maleegay…”Maayar Aamin

0
176
“Gabiley iyo Kulmiye la isku xaman maayo siyaasadu na waa goorteedda..
Gabiley -(Dawan)- Maayarka magaaladda Gabiley ayaa ka jawaabay hadalo maalmahan la isugu bahalo gelinayay xisbiga Kulmiye, iyo bulshadda Gabiley.
Hadaladaasi oo ka soo yeedhay siyaasiyiin ka tirsan xisbiyadda mucaaradka ah ayay u jeedadoodu ahayd sidii Xajiin iyo xanaf loo kala dhex dhigi lahaa bulshadda Gabiley, iyo xisbiga Kulmiye.
Maxamed-aamiin Cumar Cabdi, maayarka magaaladda Gabiley, oo maanta hadal ka jeediyay xaflad lagu qabfay isla Gabiley ayaa hadaladaasi ku tilmaamay kuwo aan waxba ka bedelaynin taageerada ay bulshadda Gabiley u hayaan xisbiga Kulmiye.
Waxaanu maayarka Gabiley sheegay in aan maanta la joogin wakhti siyaasad laga hadlo, maadaama oo uu dalkeenu ku jiro xaalad colaadeed oo adag.
Sidaas darteedna aanay haboobayn in arrimaha siyaasadda laga hadlo, isla markaana uu cadowga Somaliland soo maleegay shir-qoolo waaweyn oo la doonayo in Somaliland lagu bur-buriyo.
“Gabiley iyo Kulmiye la isku xaman maayo. Laakiin, taasi waa goorteedda. Maanta ninka siyaasad ka hadlayaa habeen muu jirin. Maanta dalkeenu xaalad aad iyo aad u adag ayuu ku jiraa” ayuu yidhi Maxamed Cumar Cabdi.
Maxamed-aamiin Cumar Cabdi, maayarka magaaladda Gabiley, waxa kaloo uu sheegay in shir-qoolo uu cadowga Somaliland soo abaabulay uu fashiliyay madaxweyne Muuse Biixi, kuwaasoo looga dan lahaa in dalkeenna lagu baabiiyo.
Waxaanu yidhi “Madaxweyne Muuse Biixi, haddii aanu maanta tallada dalka haynin, isagoo xilka haya ayaa lagu soo beegay, shir-qoolka la soo maleegay, ee uu isagu fashilayay.
Waxaa loogu tallo galay in aanay Somaliland kala hadhin. Haddii aanu Muuse Biixi, joogin na may kala hadheen.
Shir-qool muddo laga soo shaqaynayay, oo weli ba la addeegsanayay dad reer Somaliland ah ayuu fashilayay madaxweynuhu”.
Dhinaca kale maayarka Gabiley ayaa shacab weynaha reer Somaliland ugu baaqay in cadowgeena aynu dhinac uga soo wada jeedsano, isla markaana aynu garab is-taagno madaxweynaha, xukuumadda, iyo ciidamadda qaranka.
Waxaanu yidhi.”Inagu na shacab ahaan waa in aynu madaxweynaha ku garab is-taagno, oo aynu Cadowgeena dhinac uga soo wada jeedsano, oo wadankeenna aynu ilaashano.
Madaxweynaha, xukuumadda, iyo ciidanka qaranka na garab is-taagno”Ayuu yidhi Maxamed-aamiin Cumar Cabdi, maayarka magaaladda Gabiley.