Dagaalka QASA oo galay bishii saddexaad

0
159
Dagaalka Israil iyo Xamaas ayaa maanta galay bishii saddexaad iyada oo wali Israil sii waddo duqaynta aan oo loo meel dayin ee ay ku hayso shacabka reer Falastiin ee Ku nool qaza
Xoghayaha guud ee qaramada midoobay Antonio Guterres ayaa ugu baaqay goolaha loo dhan yahay ee qaramada midoobay in la isticmaalo qodobka 99-aad ee qaramada midoobay kaasoo ku qasbaya golaha ammaanka inuu wax ka qabto dagaalka Qaza, isaga oo geesta kale ka digaya masiibo riiqdeedu dheeraado oo halkaa ka dhacda.
Maanta oo kale 7-Oct. ayaa ururka Xamaas ee reer Falastiin weerar lama filaan ah ku qaadeen gudaha Israil iyaga oo halkaa ku dilay in ka badan kun iyo laba boqol oo Yuhuud oo isugu jira ciidan iyo rayid.
Geesta kale ugu yaraan 16, 248 Falastiiniyiin ah ayaa ku dhintay weerarrada arxan darrada ah ee illaa immika socda ee Israaโ€™iil ku qaadday marinka Qaza,