Shirweynihii COP28 Dubia oo lagu Soo Bandhigay Fursadaha Maalgashi ee ka Jira JSL

0
168

Dubai (Dawan): Wefti ka socday Jamhuuriyadda Somaliland oo ka qayb gelaya shir weynaha isbedelka cimiladda ee COP28 Dubia, ayaa kulamo la yeeshay masuuliyiin kala duwan.

Weftigani oo ay hogaaminayso wasiirka Deegaanka iyo Isbadelka Cimiladda Somaliland Shugri Xaaji Ismaaciil (Baandare), oo maalmihii ina dhaafay kulamo la yeelanayay wufuudaha ka socota caalamka ee ku sugan shirka COP28 ayaa ka qayb-galay kulan ay soo qaban-qaabisay shirkada DP World.

Kulanka ay wasiir Shukri Baandare, iyo xubnaha la socday ay la yeesheen DP World, ayaa lagaga hadlayay sidii loo horumarin lahaa ganacsiga Somaliland iyo arrimo kale.

Waxaana kulankaasi oo ahaa mid heerkiisu sareeyo waxaa ka soo qayb-galay dalal iyo shirkado maalgashi oo danaynaya Somaliland.

Intii kulankaasi uu socday lagu soo bandhigay maal-galinta ay shirkada DP World ka hirgalisay Somaliland gaar ahaana balaadhinta iyo casriyaynta dekedda Berbera.

Dhismaha wadada Berbera Corridor iyo mashaariicaha kale ee shirkadaasi ka fulisay Somaliland.

Wasiirka Deegaanka iyo Isbadelka Cimiladda Somaliland Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare, oo kulankaasi hadal ka jeedisay ayaa ka warantay fursadaha maal-gashi ee ka banaan Somaliland.

Waxaanay xustay wasiirku in Somaliland tahay dal dihin oo u diyaara in la maal-gashado, kaas oo ay u dhamaystiran yihiin dhammaan shuruucdii, iyo xeerarkii lagu hagayay maal-gashiga caalamiga ah.

Meelaha malagashiga u baahan ee ay wasiirku Carrabka ku dhufatay waxaa ka mid ahaa dhinaca tamarraha Cagaarran ee aan deegaanka waxyeeladda u gaysan, sida Dabaysha, Qoraxda, iyo Biyaha.

Geesta kale kulankaasi waxa kale oo goob-joog ka ahaa safiirka Somaliland ee dalka Imaaraadka Carabta, maayarka magaalada Bebera, Agaasimaha Waaxda Qorsheynta ee wasaaradda Deegaanka iyo Isbadelka Cimiladda iyo xubno kale.

Dhinaca kale weftigan ay hogaaminayso wasiirka Deegaanka Somaliland waxay booqdeen dekadda Jebel Ali, taas oo ay u kuur-galeen qaabka ay u shaqayso, iyo hawlaha shaqo ee ka socda.