Agaasimaha Guud ee Wasaararadda Biyaha oo Xilkii la Wareegay

0
102

Hargeysa (Dawan) Wasiir ku xigeenka Wasaarada Horumarinta Biyaha Maxamuud Jaamac Warfaa ayaa xilkii u kala wareejiyay Agaasimaha cusub ee Wasaarada Biyaha Nafiisa Maxamuud Shirwac iyo Agaasimihii hore ee Wasaarada Biyaha Cabdiraxmaan Faarax Balal.

Wasiirka Wasaarada Horumarinta Biyaha Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo hadal ka jeediyay halkaas ayaa waxa uu sheegay in ay ku haboon tahay Agaasimaha cusub ee loo soo magacaabay Wasaarada Biyaha. waxaana uu yidhi “Waxa aanu soo dhawaynaynaa Agaasimaha Madaxweynaha Somaliland u soo magacaabay Wasaarada Biyaha,waxaana is leeyahay way ku haboon tahay in ay shaqadan qabato, sidoo kale Agaasimihii hore ee Wasaarada Biyaha waxa uu aqoon u leeyahay shaqada Wasaarada waanu joogi doonaa”.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Horumarinta Biyaha Maxamuud Jaamac Warfaa oo hadal ka jeediyay halkaas ayaa waxa uu tilmamay in Agaasimihii hore ee Wasaaradaasi uu si xilkasnima ah ugu shaqeeyay mudadii uu joogay Wasaarada. Waxaana uu yidhi “Agaasimihii guud ee hore waxa uu ahaa nin xilkas ah oo aqoon leh oo shaqaalaha u cadaalad sameeya, nasiib wanaag Inagamuu taagin, waxaanan soo dhawaynayaa Agaaasimaha cusub ee Wasaarda Biyaha”.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Arimaha bulshada Qoyska iyo shaqada Yurub Abiib Cabdi oo hadal ka jeedisay halkaas ayaa waxa ay sheegay in muhiim tahay in cadaalad wax lagu maamulo.Waxaana ay tidhi”Qof kasta oo masuula hadii uu cadaalad sameeyo inta Wasaarada joogo waa wax qaaliya,hadii cadaalad la helo waxba ma,xumaadaan,”.

Agaasimaha cusub ee Wasaarada Horumarinta Biyaha Nafiisa Maxamuud Shirwac oo hadal ka jeedisay halkaas ayaa waxa ay tilmaantay in cadaalad ku maamuli doonto Wasaarada.Waxaana ay tidhi”Waxaan idin balanqaadayaa In aan Wasaaradda ku maamuli doono hab cadaalad ah,waxaana aan uga mahadnaqayaa Madaxweynaha Somaliland Muese Biixi Cabdi oo igmaday xilka Wasaarada biyaha,”.

Sidoo kale Agaasimihii hore ee Wasaarada Biyaha Cabdiraxmaan Faarax Balal oo hadal ka jeediyay halkaas ayaa waxa uu timaamay wax yaabihii u qabsoomay.Waxaana uu yidhi”Waxa aanu kordhinay aqoonta ay leeyihiin Shaqaalaha ,waxa aanu samaynay tababaro waxa aanu la xidhiidhnay dunida oo dhan iyo sahminta Wasaarada u baahantahay,sidoo kale waxa aanu hindisnay waaxda isbadalka Cimilada iyo in la raadiyo xogta biyaha,”.