Gudoomiyaha Wakiillada JSL oo Qaabilay Safiir Ku Xigeenka Denmarka

0
112

Hargaysa(Dawan) Gudoomiyaha Golaha Wakiilladda JSL Md Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa shalay xarunta Golaha Wakiilada ku qaabilay Ku xigeenka Safiirka Denmark ee Somaliland iyo Somalia Ms. Gertrud iyo Madaxa xafiiska Denmark ee Somaliland Md Mathias, kuwaasi oo safar shaqo ku jooga dalka.

Dhinaca kale waxay safiiraku kulan la yeelatay Gudoomiyaha guddi hoosaadka Diinta iyo arrimaha qoyska ee Golaha Wakiillada Somaliland Xildhibaan Axmed Dayib (ku cadeeye) kaasi oo safiir ku xigeenka ay ka wada hadleen arrimaha guddida ay halka ay wax u marayaan,sidoo kale Safiirka ayaa guddida uga warbixiyay safarkiisa iyo waxa uu daaran yahay.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon ayaa uga xog waramay xaaladda guud ee dalka, arrimaha dimuqraadiyada, adkaynta xidhiidhka labada dawladood ee Somaliland iyo Denmark.

Gebo’gabadii kulanka ayaa labada dhinac ayaa si wanaagsan u kala xog qaatay waxaanu kulankani ku soo geba-geboobay is faham guud iyo sii xoojinta xidhiidhka labada dawladood iyo xoojinta cilaaqaadka labada dal.