Ciidanka Booliska JSL oo gacanta ku soo dhigay eedaysane Gaadiidka fur-furan jiray

0
126

Hargaysa(Dawan) Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa gacanta ku soo dhigay eedaysane fur-furan jiray gaadiidka magaalada, kaasi oo ay Bulshadu ku qabeen dhibaato aad u wayn marka uu gaadiidkood ka xado dabadeena uu fur-furto sidaasina lagu waayo gaadhigii.

Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada 26 Juun Gaashaale Maxamed Faarax Muuse ayaa ka xog waramay eedaysanaha la soo qabtay ee gaadiidka fur-furan jiray waxaanu sheegay Taliyuhu in uu ninkani dhibay bulshada xaafaddaha Sheekh Nuur ee Aadan Shiine iyo inta u dhaxaysa oo dhan, kaasi oo wixii Baabuur xaafadahaasi la soo dhigo uu kala bixi jiray Taayirada, Muraaya haada iyo Rikoodhada iyo wixii markaasi gaadhiga dhex yaala ee uu ka helo, intaasi kadib uu u iib geeyo magaaladda.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in uu eedaysanahani Gaadiidka qaar uu kaxaysan jira meel fogna uu gaysan jiray siu u maalin ba in u iibiyo.

Taliyaha Saldhiga Booliska 26 Juun ayaa sheegay in ay in muddo ah ku daba taagnaayeen oo ay baadi-goobkiisa ku jireen kadib markii dadka degan xaafadahaasi ay cabasho u soo gudbiyeen Ciidanka Booliska gaar ahaan Saldhiga 26 Juun waxaanu yidhi

“Maanta waxaanu bulshada u soo bndhigaynaa nin aad u cajaa’ib ah oo ah eedaysanaha lagu magacaabo Cabdiqani Cismaan Ibraahim ina Canab Ibraahim kaasi oo aanu muddo daba soconay, kaasi oo ummada dhameeyay gadiidkoodii iyo wixii ku jiray ba soonayaasha Xaafadaha Sheekh Nuur ilaa Aadan Shiine inta u dhaxaysa wixii Baabuur meelahaasi yaala inta uu furto, ayaa waxa uu ka goosanayaa Taayirada, Batariyada gaadhiga ku jira, Rikoodhada markaasi magaaladda ayuu dib uga iibinyaa.

Cabshooyin badan oo noo yimi oo ah Baabuurtaasi ka cabanaysa kadib, waxa aanu baadi-doonay oo aanu aad uga hawlgalnay ninkaasi isaga ah iyo niman kaleba, waxaannu ku soo guulaysanay 5 bisha 12-aad saacadu mar ay ahayd 4:00 galabnimo isaga oo laba Rikoodhada gaadiidka ah gacanta ku sita.

Waxa markiiba soo bilawday dadkii uu dhibaatada gaadhsiiyay ee uu wax ka xaday, qaarkood Tilifoon bay nagula soo xidhiidheen halka qaar kalena ay noo yimaadeen, waxa kale oo noo yimi dadkii alaabta laga iibiyay oo qaarkood soo xaraynaya alaabta, way is furfurtay ilaa hadda waanu guraynaa alaabtii.

Bulshada waxaanu ka cidsanaynaa inay gaadiidkooda ilaashadaan oo ay dhigtaan goob amaan ah, waxa uu ka faa,iidaysanayaa goobaha aan cidi arkayn ee gaadiidka la dhigayo, markaa Bulshada waxaanu ku wargalinyanaa inay goob amaan ah dhigtaan gaadiidkooda.

Eedaysanaha waanu rumaan garaynay oo Maxkamada ayaanu gaynay,wixii kiis ah ee ka soo daba baxana waanu ka daba gayn doonaa, sharciga ayaa la mirin doonaa”.