Saacadaha Xaqiiqda Iyo Runtu Soo Baxdo!

0
165

Ka dib markii ay muddo sanado ah lamaanaha John iyo gabadhiisa Kelly oo ku noola gobolka Californiya ee dalka Maraykanka uu muran xoogan ka dhexeeyay, waxay maalintii danbe gabadhu goโ€™aansatay inay nafta ka jiro oo ay disho. Isla markii uu guriga yimi ayay rasaas madax kaga dhufatay isla markiiba wuu dhintay. Laakiin maydkiisa ayay ku riday Talaajad (qaboojiyaha), halkaasi oo uu maydku ku jiray muddo 7 sano ah. Booliiska ayay u sheegtay in aanay ninkeedii hayn oo ay weyday, isagoo booliiskuna ku daalay raadintiisa iyo meel uu jaan iyo cidhib dhigay, raq iyo ruuxna la waayeen.

Caruurteedu marka ay weydiiyaan aabahood waxa ku dhacayna waxay ugu jawaabi jirtay waxa jiidhay gaadhi oo wuu dhintay. Sanadkii 2004 , wakhtigaasi oo uu si xun ugu dhacay xanuunka kansarka naasaha ayay u sheegtay inanteeda ay dhashay ee ugu weynayd caruurta xaqiiqda aabahood waxa ku dhacay iyo halka uu maydkiisu ku jiro.

Inanta aya booliiska u yeedhay waxaana ay fureen talaajadda isla markiiba waxay ka heleen maydkiisa talaajad taallay qaybta istoodhkaย  guriga. Istoodhkan lama isticmaali jirin lagana kaaftoomay.

Waxaana ay ka heleen jidhkii John oo gebi ahaanba baraf fadhiistay noqday. Sidaasi ayaanay intaba badan isu qarin dilka dhiiga ee qofku sameeyo.

ย