Wasaaradda Caafimaadka Oo Qaar Ka Mid ah Sahqaalaheeda Ku Tabobaraysa Maaraynta Xanuunada Isku

0
88

Qormada Kowaad ee Barnaamijka Caafimaadka Wargeyska Dawan Todobaadkan waxa aynu ku soo qaadayanyaa, tababar kor loogu qaadayo aqoontooda caafimaad eek u saabsan Maaraynta Cudurada isku dhafar ee heer Gobol ee shaqaalaha wasaaradda  caafimaadka Somaliland, gaar ahaan kuwa ka shaqeeyay Deegaanada aan lahayn goob bixisa adeeg caafimaad sida xarunta Hooyada iyo Dhalaanka oo kale, kuwaasi oo la bararyay sidii ay u maarayn lahaayeen Cudurada isku dhafan, iyaga oo uga shaqayn doona si heer Gobol ah.

Haddaba Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka oo kaashanaysa Hay’adda UNICEF ayaa soo Gunaanaday tababar ku saabsa Maaraynta Cudurada isku dhafan ee Heer bulsho. (Training of ICCM ( Integrated Community case management) kaasi oo kor loogu qaadayay aqoonta adeegayaasha caafimaad ee goobaha aan lahayn Xarun bixisa adeeg Caafimaad ee Gobolka Maroodi Jeex.

Tababarkan oo u jeedadiisu tahay in kor loogu qaado aqoonta iyo tayada shaqaalaha Caafimaadka ee ka hawl gala Bulshada dhexdeeda Goobaha aan lahayn xanaano ee gobolka Marodi jeex.

Agaasimaha Waaxda Hooyada iyo dhalaanka ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Raxma Yuusuf Cabdilaahi oo soo gunaanaday tababarkan ayaa xustay ahmiyada tababarkan uu shaqaalaha u leeyahay iyo sidoo kalena kula dardaarantay shaqalaha in ay ka faa’idaystaan isla markaana wax ugu qabtaan bulshadooda sidoo kale uga faaideeyaan Bulshada kale ee ay wada shaqeeyaan ee aan nasiibka u helin tababarkan.

Tababarkan ayaa waxaa kasoo qayb galay 20 xubnood oo ka kala socda tuulooyinka ku hareeraysan Magaalada Hargeysa een aan lahayn goobo caafimaad, Adeegayaashan Caafimaada ayaa aqoonta ay barteen kula noqon doona Deegaanadii ay ka yimaadeen kuwaasi oo ugu adeegi doona cilmigaasi bulshadooda aan nasiibka u yeelan inay helaan goob bixisa adeeg Caafimaad oo ay ku baahi baxaan.