Sheekh Shabcaan oo ka Hadlay Amiyadda Qoyska Muslimka ah iyo Wanaajintisa

0
136

Hargeysa (Dawan):- Sheekh Shabcaan Cabdilaahi Aadan oo ah khadiibka Masjidka Waaxyayn ee Caasimadda Hargeysa, ayaa qudbaddii Jimcaha ee shalay kaga hadlay ahmiyadda dhismaha qoyska Muslimka ah.

Waxaanu ku dheeraaday sida loogu baahan yahay in laga fekero marka qoys la dhisayo siduu ku noqon lahaa qoyska la yagleelayaa qoys ku dhisan diin iyo akhlaaq oo aan lagu dooran adduun iyo maal iyo mansab ama dhoof iyo wax la mid ah.

Waxaanu Sheekhu bulshada ku hoga tusaaleeyay ayaado badan oo ka mid ah Qur’aanka kariimka ah iyo axaadiista Rasuulkeenna Suubban SCW oo dhammaantood ka hadlaya guurka iyo is doorashada lamaanaha oo qodobo dhawr ah diinteenu ku sifaysay isla markaana tilmaantay in ay ugu fadli badan tahay ku doorashada Diinta.

Sheekha oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi. “Maanta wiilashiina xashdii jidh iyo midab ayay ku qanceen hablhiina jeeb iyo hanti ayay ku doorteen ka dibna waxaa soo.baxsy ubadka qoysaskaa ka dhashay oo aynu.afgaran waynay. Maanta waxaynu u baahannahay in aynu ku doorano.dhismaha qoyska inaga oo ka fekerayna mustaqbalka Muslimka iyo in ALLE innaga beero kuwo diinta ALLE xambaara.”

Sheekh Shabcaan ayaa dhinaca kale waalidka kula dardaarmay inaan ubadka la habaarin balse loo duceeyo. Sheekha oo ka hadlayay sida ay hablihii hore u sii baran jireen dhaqanka Guurka waxaa uu yidhi.” Hablhii hore waxay hoos fadhiisan jireen hooyooyinkeen iyo ayeeyooyinkeen waxay wax ka baran jireen dumarkaa hore waxay inantu guri yeelan jirtay iyada oo wax badan hooyadeed iyo ayaydeed ka soo baratay oo ka soo korodhsatay. Wiilkuna golaha ragga ayuu wax badan ka soo korodhsan jiray isaga oo reer dhaqashadiisa diyaar u ah ayuu guursan jiray.”

Sheekh Shabcaan oo ka hadlayay guurka maanta oo uu sheegay in dhallnyarada Maanta qaar badan oo ka mid ah in dhismha guurka iyo qoys muslim ah soo saaristiisa in hamigoodu ka hooseeyo oo doorashadooda guurku ay tahay jeeb iyo dhoof.