Xikmadaha

0
130
  • Nin xakiim ah ayaa yidhi “ Arrin kasta wuxu ku bilowdaa yaraan, ka dibna wuu koraa oo weynaada ilaa Masiibada mooyee. Iyadu waxay ku bilaabantaa weynaan ka dibna way yaraataa. Shay kastaana marka uu bato wuu jabaa oo rakhiis noqdaa, edebta mooyee, iyadu way qaaliyowdaa”
  • “ Weedhaha carabkaagu waxa ay u muujiyaan, sida aad u fikirayso, waxba codkaaga kor haw qaadin laakiin xikmada kelmadaada kor u qaad”
  • “Maskaxda ka madhan xikmadda, saaxiibkeed waxay ku kordhisaa carab xumaani ka buuxdo “
  • “Haku dagmin muuqaalka sare, aamusnaanta xabaalaha maaha inay dhamaantood Jano wada galeen”
  • Haddii aad caado ka dhigato in aad ka cadhooto wax kasta oo ku raalli gelin waaya, weligaa nolosha ku guulaysan maysid.
  • Qofka oo cadhooda marka la canaantaa, waa astaan muujinaysa in uu mudan yahay canaantaa.
  • Tijaabada ugu weyn ee lagu garto geesinimadu waa qofka oo la eego sida uu ugu adkaysto guuldarrada iyo jabka, iyo in aanay ku ridin niyad jab iyo cadho fog.
  • Cadhadu iyadaa Guuladarada Horseeda.