Xoghayaha Difaaca ee Maraykanka oo Cisbitaal la dhigay iyo Biden oo aan Ogayn

0
143

Maamulka Biden looma sheegin maalmo in Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd Austin la dhigay cisbitaal, ugu yaraan hal sarkaal ayaa u sheegay warbaahinta Mareykanka.

Lloyd Austin, oo 70 jir ah, ayaa la dhigey Xarunta Caafimaadka ee Walter Reed Isniintii sababo la xidhiidha qalliin lagu sameeyay kadib.

Sarkaal ayaa u sheegay warbaahinta Mareykanka ee CBS, in Aqalka Cad aan lagu wargelin arrintan illaa ugu yaraan subaxnimadii Khamiista.

Mr Austin wuxuu aqbalay mas’uuliyadda isgaadhsiin la’aanta.

“Waan garwaaqsanahay in aan qaban karayay shaqo ka wanaagsan sidii aan u hubin lahaa in dadweynaha si habboon loogu wargaliyo,” ayuu ku yidhi hadal uu soo saaray.

“Waxaan ballan qaadayaa inaan sidan wax ka sii wanaajin doono,โ€ ayuu yidhi.