Madaxweynaha Somalland oo Xil ka Qaadis, Magacaabis iyo Isku Bedel ku Sameeyey Xubno ka Mid ah Goliisa Wasiirrada

0
77

Hargeysa (Dawan) Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay xil ka qaadis, magacaabisn iyo isku badel ku sameeyay qaar ka mid ah golihiisa wasiiradda.

Wareegto uu soo saaray Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa lagu caddeeyay xil ka qaadista, magacaabista iyo isku badelka qaar ka mid ah golaha wasiiradda, kuwaasi oo xubno kamid ah xilka laga qaaday, halka qaar kalena isku badel lagu sameeyay.

Madaxweynaha ayaa ugu horayn xilkii ka qaaday Wasiirkii hore ee Wasaarada Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Saleebaan Cawad Cali Bukhaari, xilka qaadista wasiirka ayaa timid iyada oo aan wali la horgayn golaha wakiilada, si loo ansixiyo, kadib markii dhawaan la magacaabay.

Madaxweynaha ayaa Raabbi Cabdi Maxamed u magacaabay in uu laga bilaabo taariikhda maanta shalay uu noqdo Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland. Sidoo kale, Maxamuud Warsame Jaamac ayuu u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Horumarinta Xeebaha Somaliland.

Madaxweynaha ayaa Cabdinaasir Caydiid Maxamed Faarax u magacaavay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland, halka uu Faysal Maxamuud Siciid Cabdulle u magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland.

Gaba-gabadiina madaxweynaha ayaa Muuse Ibraahim Yuusuf Salaf u magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka