Heshiiska is faham ee Somaliland iyo Itoobiya muu ahayn wax Degdeg ah “Wasiir Ciise Keyd

0
67

Hargeysa(Dawan)- Wasìirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Ciise Keyd Maxamuud, ayaa sheegay in aanu heshiiskii is afgarad ee dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya aanu ahayn mid ku soo boodo ahaa, hase ahaatee ay ka shaqeynayeen afar bilood ka hor intii aanay Madaxweyne Muuse Biixi iyo Xasan  Sheekh Maxamuud ku kulmin Jabuuti.

 

Wasiir Ciise Keyd wuxuu sidaas ku sheegay waraysi uu siiyay idaacadda VOA-da isagoo u jawaabayey hadal ka soo yeedhay Wasiirka Maaliyadda ee Jabuuti Idiris Muuse Dawaale oo sheegay in madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyadoo heshiis la gaadhay uu haddana markiiba uga soo dhoofay Jabuuti, si uu u tago Itoobiya oo uu xusay in ay Itoobiya ku gaadheen wax ka duwan wixii lagaga hadlayey shirkii Jabuuti.

 

“Heshiiska is faham ee Somaliland iyo Itoobiya muu ahayn wax degdeg oo ku soo boodo ah ee muddo afar bilood ka hor shirkii Jabuuti ayaanu ka shaqeynaynay aniga oo ah wasiirka arrimaha dibadda iyo Madaxweyne Muuse Biixi,” ayuu yidhi Wasiir Ciise Keyd.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland wuxuu sheegay in madaxweynaha Somaliland uu heshiiska Itoobiya uu la saxeexday uu ku fulinayo danta dalka iyo dadkiisa uu u dhaartay.

 

Wasiir Ciise Keyd wuxuu ku dooday in shirkii Jabuuti ee ay ku wadahadleen madaxweyneyaasha Somaliland iyo Soomaaliya aanay wax heshiis ahi ka soo bixin, balse la kala saxeexday uun in la sameeyo guddiyo farsamo.

 

Wasiirka oo la weydiiyay sida xidhiidhka Somaliland iyo Jabuuti yahay, wuxuu  iftiimiyay in aanay wax dhib ahi ka dhex taagnayn labada waddan oo ay yihiin xudduud wadaag iyo dad wada dhashay.

 

Wasiirka oo ka jawaabayay su’aal ahayd halka uu imika marayo heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya, waxa uu caddeeyay inuu socdo qorshihii heshiiskaas lagu dhammaystiri lahaa oo la sameeyay guddi farsamo oo ka shaqeynaysa iskudubo ridka heshiiska rasmiga ah.