Wasaaradda Diinta oo ka Qayb Gashay Shir Caalami ah oo ay ku Kulmeen 154 Dal

0
83

 

Dubai (Dawan) Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland,ayaa  ka qayb gashay Shirwaynaha Caalamiga ah ee DIHAD oo lagu qabtay magaalada Dubai ee xaruunta dalka Imaaraatka Carabta, kaas oo ay ka soo qayb galeen 154 dal oo ka kala socday dalalka dunida.

 

Agaasimaha waaxda diiwaanka Sakada ee wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Mudane Sheekh Maxamuud Maxamed (Abu-cubayda) ayaa magaalada Dubai ee dalka  Imaaraadka Carabta  kaga qayb galay Shirwaynaha Caalamiga ah ee DIHAD ee arrimaha Samafalka iyo gurmadka deg-degga ah, waxana shirkaa soo Agaasimay Hay’adda Mohamed bin rashid Foundation oo kaashanaysa United Nations.

 

Shirka Caalamiga ah oo ay ka soo qayb galeen 1600 qof oo ka kala socday 154 Dal ayaa waxaa door wayn ka qaatay isla markaana adeegyadooda khayriga ah kusoo bandhigay Hay’addaha kala ah ,DP World Foundation,Emirates Red Cresent,International Humanitrain City,Dubai Charity Association,Alkhair Foundation,NRC iyo kuwo kale .

 

Maxamuud Maxamed Abu-Cubayda Agaasimaha waaxda diiwaanka Sakada ee wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland ayaa hay’addihii khayriga ahaa ee shirkaa ka soo qayb galay la wadaagay muhiimada uu shirkani leeyahay iyo weliba sidii Mashaariic waara looga hir galin lahaa dhamaan deegaanada Somaliland gaar ahaan Mashaariicda waxbarashada,Caafimaadka,Biyaha iwm.

 

Sidoo kale Agaasimaha waaxda diiwaanka Sakada ee wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland ayaa si gaar gaara ah ula kulmayay dhamaan Hay’adaha kheyriga ah ee madasha ku sugaa, waxaanu kala hadlayay sidii loo samayn lahaa xidhiidh xoogan oo wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland la yeelan lahayd Hay’adahaasi, kulamadaasi ayaa la isla qaatay wax yaabo badan oo la xidhiidha arrimaha Sakada iyo wada shaqaynta dhinacyada kulmay.