Ixtiraamka Iyo Tixgelinta Dadka Aadamiga

0
75

Gabadh ayaa maalin soo martay miskiin daโ€™ ah oo dawarsanayay , way is taagtay si ay shandada lacag uga soo saarto oo ay siiso. Markii ay gacanta gelisay ayay ka weyday waxayna xuuusatay inay gurigii kaga timi lacagtii ugu jirtay. Maadama uu sugayay wax loo dhiibo, way ka cudur daaratay waxayna ku tidhi:

โ€œAdeer raali iga noqo waxaan ku soo ilaabay lacagtii jeebadayda, laakiin markaan noqdo ee aan soo qaato waan kuu siinaya haddii Allah (sw) ka dhigoโ€.

Odyga dawarsanayay ayaa u jawaaabay gabadha waxaana uu ku yidhiย  โ€œ aadbaad u mahadsan tahay Inantaydiiyeyโ€.. Inanta ayaa aad u yaabtay sababta isagoo farxsan uu kelmadahan u yidhi iyadoo aanay aanay waxba siinโ€. waxayna tidhi dee waxba kuma siinโ€. Laakiin Odayga ayaa ku jawaabayย  mar kale: โ€œMarkii aad cudur daarka isiisay waxaaad igu tidhi Adeer โ€œ, kelmadan kama maqal dadka waxayna aniga igu reebtay xusuus dheer, waana kelmadda ugu qaalisan dhinacayga waayo wayba ka xaragonayaan inay sidaa igu yidhaahdaan. โ€œ Kelmadda wanaagsani waa sadaqo.