Madaxweynaha JSL oo Xadhigga ka Jaray Agab Cusub oo loo Keenay Ciidanka Dab-demiska Qaranka

0
90

Hargaysa  (Dawan)  Madaxweynaha  Jamhuuriyadda  Somaliland,  Mudane  Muuse  Biixi  Cabdi,  ayaa  xadhigga  ka  jaray  agab  cusub  oo  loo  keenay  ciidanka  dab-demiska  qaranka  Somaliland,  kaas  oo  wax  weyn  ka  tari  doona  hawlaha  la  dagaallanka  dabka  ee  ay  bulshada  u  hayaan.

Taliyaha  ciidanka  dab-demiska  JSL,  sarreeye  guuto  Axmed  Maxamed  Xasan  (Sawaaxili),  ayaa  madaxweynaha  ku  soo  dhaweeyey  xarunta  dab-demiska,  waxaanu  Madaxweynaha  Somaliland  uu  halkaas  salaan  sharafeed  kaga  qaatay  cutubyo  katirsan  ciidanka  dabdemiska  oo  xarunta  heegan  ku  ahaa.

Madaxweynaha  Jamhuuriyadda  Somaliland,  ayaa  kormeeray  qaybaha  kala  duwan  ee  ay  ka  kooban  tahay  xarunta  ciidanka  dabdemisku,  isaga  oo  u  kuurgalay  hannaanka  ay  halkaas  uga  socoto  shaqada  bulshada  loo  hayo,  isaga  oo  xadhigga  ka  jaray  agab  cusub  oo  loo  soo  kordhiyey  ciidanka  dab-demiska.

Taliyaha  ciidanka  Dab-demiska,  Sarreeye  guuto  Axmed  Maxamed  Sawaaxili,  ayaa  madaxweynaha  u  sharraxay  noocyada  agabka  kala  duwan  ee  la  daah-furay,  waxaana  uu  xusay  in  agabkani  sare  u  qaadi  doono  adeegyadii  ay  ciidan  ahaan  bulshada  u  hayaan.

Taliyaha  ciidanka  Booliska,  Sarreeye  gaas  Maxamed  Aadan  Saqadhi  (Daba-gale)  oo  halkaas  ka  hadlay,  ayaa  soo  dhaweeyey  horumarka  ay  ciidanka  dab-demisku  sameeyeen,  waxana  uu  ku  adkeeyey  inay  sii  wadaan  dedaalkooda.

Wasiirrada  wasaaradaha  arrimaha  gudaha,  Mudane  Maxamed  Kaahin  Axmed  iyo  Xannaanada  Xoolaha,  Mudane  Siciid  Sulub  Maxamed,  ayaa  iyaguna  dhankooda  bogaadiyey  agabka  cusub  ee  loo  keenay  ciidanka  dabdemiska,  iyaga  oo  si  weyn  u  ammaanay  hoggaanka  ciidanka.

Badhasaabka  gobolka  Maroodi-jeex,  Mudane  Maxamed  Axmed  Caalin  (Tiimbaro),  maayar-ku-xigeenka  caasimadda  Hargeysa,  Mudane  Khadar  Axmed  Cumar  iyo  La  taliyaha  Madaxweynaha,  Mudane  Cali  Maxamed  Waran-cadde  oo  hadalka  u  kala  dambeeyey  ayaa  guul  weyn  ku  tilmaamay  inay  ciidanka  dab-demisku  helaan  agab  casri  ah  oo  gudashada  waajibkooda  u  fududaynaya.

Madaxweynaha  Jamhuuriyadda  Somaliland,  Mudane  Muuse  Biixi  Cabdi,  ayaa  hambalyeeyey  ciidanka  dab-demiska  iyo  taliskoodaba,  isaga  oo  ammaanay  nidaamka  hufan  ee  taliyaha  ciidanku  ka  hirgeliyey  gudaha  ciidanka  iyo  sida  uu  ugu  hagar  baxay  inay  helaan  agab  ay  hawshooda  ku  qabsadaan.

Dhinaca  kale,  ciidamada  dab-demiska  Jamhuuriyadda  Somaliland,  ayaa  u  dabbaal-degay  sannad-guuradii  10-aad  ee  kasoo  wareegta  Aas-aaskooda,  waxana  ay  kamid  yihiin  hay’adaha  qarankani  leeyahay  ee  muddadii  ay  jireen  sida  weyn  u  anfacay  bulshada,  naf  iyo  maal  badan  oo  bulshadu  lahaydna  badbaadiyey.