Madaxweynaha JSL oo Daah-furay Shir-weynaha Beeralayda Dalka

0
60

Qore Khadar M .Xaashi

Hargeysa (Dawan) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed (Cirro), ayaa sheegay in caqabada ugu weyn ee haysata beeraleyda dalka ay tahay cuntooyinka mucaawinada ah ee dalka dibedda laga keeno, isla markaana lagu soo beego xilliga uu soo go’o dalaga wax soo saarka beeraleydu, waxaanu xusay in ay hoos u dhigto tacabkoodii, niyad-jabna ku keento, waxa uu beeralayda ku booriyay in ay kordhiyaan wax soo saarkooda, si looga maarmo ku-tiirsanaanta cuntada dibedda la inooga soo waarido.

Sidoo kale waxa uu madaxweynaha JSL, uu hoosta ka xarriiqay in xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay ee waxqabad iyo wada-jir ay dejinayso qorsheyaal Qaran oo kor loogu qaadayo wax soo saarka dalaga beeraha ee dalkeena.

Dhanka kale madaxweynuhu waxa uu xusay in isbedelka cimiladu uu saameyn taban ku yeeshay geedi-socodkii wax soo saarka adduunka.

Madaxweynaha JSL, Mudane Cabdiraxmaan Cirro, ayaa tix gaban ku cabirey sida ay mihiimka u tahay in bulshadu ay ku baraarugsanaato in xooga la saaro wax soo saarka wixii ay iyadu cuneyso.

Madaxweynaha Cirro, ayaa ganacsatada waaweyn ee reer Somaliland ugu baaqay in ay maalgashadaan beeraha, si loo kordhiyo wax soo saarka gudaha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxa uu sidan ka sheegay Iba-furka shirka beeraleyda dalka, oo ay ka soo qayb galeen, khuburo kala duwan.

Waxaanu yidhi.“Farxad weyn ayay ii tahay in aan ka qayb galo shirweynahan beeraleyda dalka ee taariikhiga ah, beeruhu waa tiir dhexaadka nololeed ee bulsho kasta oo dunida ka jirta, horumarka dhaqaalaha iyo amniga Qarankaasi leeyahayba.

Waxa aynu isugu nimid ka tashiga doorka mihiimka ah ee beeruhu ka qaadan karaan horumarka iyo inaynu dhabaha u xaadhno isbeddel horumar oo aynu ku sameyno beeraha si aynu u yareyno ku tiirsanaanta buuxda ee cuntada dibeda, ugana hortagno khataraha cuno yaraanta ee ina soo wajikara, innaga oo og xaaladaha amni ee dunidu maanta ku jirto, waxaynu ku xeeranahay, Badda cas, waxaynu ku xeeranahay Gacanka Cadmeed, iyo dhibaatooyinka amni ee ka jira dhammaan hareeraheena, maadama aynu ku tiirsanahay cunnada dibedda.

Wax-beerashada dalkeena waxa horyaala caqabado badan oo wax ka qabashadooda shirkani tallooyin iyo soojeedimo ka soo saaro haddii ILLAAHEY yidhaahdo, maadama khuburo badani isugu timid”

“Waxa adduunka ugu hadal haynta badani maanta waa isbedelka cimilada, kaas oo saameyn taban ku leh biyaha dhulka hoostooda, roobka iyo guud ahaan cimillada”

Madaxweynaha ayaa sigaara isu-dultaagey inay mudnaan gaara leedahay in beeraleyda kor loo qaado aqoontooda, sidoo kalena loo helo jidad ay soo mariyaan wax soo saarkooda siu u suuqyada dalka u soo gaadho.

Waxaanu yidhi. “Wax-soo-saarka beeruhu wuu yar yahay inaynu kobcinaana waa mihiim, waxaynu u baahanahay casriyeyn iyo cilmiyayn oo maanta taladeedii la idinka rabbo, waxa haboon in la helo qalabka tiknoolojiyada ku fiican ee maanta dunidu u adeegsato wax-beerista, waxa innagu yar kaabayaasha caawinlahaa wax soo saarka beeraha, sida nidaamyada waraabka ee biyaha tashiila, farsamada kaydinta iyo waddooyinka lagu soo gaadhsiinlahaa suuqyada wax-soo-saarka beeraleyda dalka, aqoonta cilmiga beeraleyda ayaan iyaduna gaadhsiisneyn heerkii loo baahnaa”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed (Cirro), , ayaa sheegay in caqabadaha haysata beeraleyda ay kow ka tahay cunooyinka dalka dibeddiisa laga soo waarido.

Waxaanu yidhi. “Caqabadaha jira waxa ka mid ah cuntada mudada badan laga cawdo ee lagu soo beego wixii caawimo ah ee cuntooyina in la bixiyo dalalka saboolka xilliga ay soo go’aan wax soo saarka dadka wax beertaa, taasi oo cidhiidhigelisa wax soo saarkii beeraleyda kana niyad jabisana inay wax beertaan.

Xukuumad ahaan mudnaan gaara ayaanu siinaynaa xal u helista arrimahaas waase caqabado aan wax ka qaban karno haddii aynu la nimaadno daraasado cilmiyeysan, go’aano iyo hal adeyg, oo xukuumaddu dejineyso qorshaha horumarinta beeraha iyo xoojinta wax soo saarka, waxaana noo qorshaysan in aanu sameyno dugsiyo sarre oo cilmiga beeraha lagu barto iyo in beeraleyda la siiyo tabbabaro kor loogu qaadayo aqoonta wax beerashada casriga ah, La-dagaalanka cayayaanka, La-qabsiga cimilada iyo in La-horumariyo kaabayaasha dhaqaallaha sida waddooyinka, si beeraleyda dalka ay ugu fududaato suuq-geynta wax soo saarkooda, fursado waa weyn ayaa ka bannaan maalgashiga beeraha Somaliland, maadama aynu haysano dhul baxadiisu aad u weyn tahay oo wax laga beeri karro.

Waxaynu dhiirigelinayna beeraleyda dalku inay maalgashato beeraha iyo warshadaha si aynu uga maarano cuntada aynu ka soo dhoofsano dibedda.

Sidoo kale waxaanu soo dhaweynayna maalgashi kasta iyo cidkasta oo maalgashaneysa beeraha Somaliland, haddii ILLAAHEY yidhaahdo.

Shirkan waxa laga rajjeynaya inay ka soo baxaan tallooyin wax ku biiriya qorshaheena horumarinta beeraha iyo dhiirigelinta beeraleyda.

Caam ahaan dadkeygoow cunta dibeda laga diro aan ka caganaane ciideena hodanka ah ma u sara-kacnaayo beeraha ma saracnaa”