Adkaysiga Caqabadaha Iyo Guusha!

0
89

Noloshu waxay qiimi ku leedahay markaad u dhabar adaygto dhibaatooyinka ku soo waajaha , hadaad noqoto qof niyad jab dhow oo guuldarada aan liqi karin ma gaadhaysid guusha.
Inta aad ku jirto jidka ku gaadhsiinaya yoolkaaga waxa ka hor imanaya caqabado kala duwan oo ah kuwo adag iyo kuwo cidhiidhiya iyo kuwa fududba. Adkaysiga jidkaasi ayaa ah dariiqa guusha, waa in aanad niyad jabin, murugoon, calaacalin oo aanad sii jiifin halkii aad ku dhacday laakiin waa inaad kacdo oo dhaqaaqdo oo waajahdo hadafka iyo ujeedada aad goโ€™aansatay in aad gaadho. Dhamaan mushkuladaha kala duwan ee ka hor imanaya waxa lagag gudbaa adkaysiga iyo sabirka joogtada ah.