Falsafadda Iyo Xakamaynta Nafta!

0
73

Falsafadaha ay dadku ku abuureen dunidanย  si ay ugu dhex noolaadaan ayay ku yar tahay inay is waafijiyaan baahida jidhka iyo fikirka hamiga weyne xambaarsan ee Aakhiro iyo halka loo socda.

Falsafadaha qaarkood waxay ku qotomaan burburinta baahida jidheed iyo in la iska furfuro silsiladaha raaxada iyo dherega (Suufiyad}.ย  Qaarkoodna waxay ku talax tegayaan helida iyo faakihaysiga aduunyada si kasta oo lagu helo karo.

Sidaas awgeed Islaamku wuxu leeyahay dhaqan iyo akhlaaq ku qotonta dhisidda nolol dhamaystiran mana dhiirigeliyo suufinmo xadhkaha goosatay oo ka dhaqaaqaday dunidan iyo wixii dhexdeedaย ย  yaalba, kumana jirto in loo nolaado ilaa xad dhereg dhaaf ah oo kibir ku lamaan yahay.

Faylsuufiyadu sida ay usoo bandhigeen akhlaaqda wanaagasan maaha mid qarsoon, laakiin waxay noqdeen kuwo aan dhamystiran lahayn oo hadba dhinac u dheeliyaya.ย  Fidrada qofka sida wanaagasan u fekeraya ayaa garan kara in wanaag mooyee aan xumaan iyo colaada waxba weligeed lagu helin, taasina ay tahay ta aadamuhu uu kaga duwaanaday xayawaanka oo colaad iyo xoog joogto ah waxa ku kala qaata.

Xakamaynta iyo joojinta Cadhada waa talaabooyinka ugu dhibta badan ee la macaamilka Nafta Culimada Cilmiga Nafsiguna markii ay u taagi waayeen waxay ku dhiiriyaan ka cadhaysan inuu kaga nefiso Cadhadaย  Hadalka kana durko inuu gacan qaado taasi oo ah midda dhibta yar sida ay u arkeen.

Islaamku wuxu u daweeyay si ka xeel dheer oo xikmadย  ku qotonta, Nin ayaa ku yidhi Rasuulka Allah ( scw): โ€œ Ii dardaaranโ€, waxaana uu ku yidhi: ha cadhoon, waana uu ku celceliyay, odhaahda: โ€œha cadhoonโ€, sidaa awgeed marka arrin kaa cadhsiiya aad aragto shaydaanka iska naar, iska liq oo isdeji, fadhiiso oo weyso qaado.

 

Nin aqoonyahan muslin ayaa lagu yidhi ma akhriday Kitaabka Akhlaaqda toosan ee Aristotle Waxaana uu ugu jawabaay waxan akhriyay kitaabkii Nebi Maxamed (scw)ย  ee dhamayska tiran. Axaadiista Nebiga (scw) ee akhlaaqda wanaagsan tiro maleh waana taasi ta guusha aakhiro iyo aduunba lagu gaadha.

Akhlaaqada wanaagsani waa la haanshaha dulqaad, sabir , adkaysi, cadaalad, ,deeqsinmo, weji furnaan, runta, xishoodka, tixgelin intaa aan ku jeclayn , iska dhaafidaย  kuwa kugu xadgudbaya iyo dhibta ood ka joojiso ummadda odhaah iyo adinba.

Rasuulka Allah (scw) ayaa Xadiis ku yidhi: โ€œ Waxa la isoo diray si aan u dhamaystiro akhlaaqda wanaagsanโ€

ย 

ย 

ย 

ย