Hargeysa(Dawan):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa shalay xabaalaha Boqol Jire ee magaalada Hargeysa kaga qeyb galay aas Qaran oo lagu sagootiyay Marxuum Ganacsade Maxamed Xaaji Cabdilaahi Abu Site oo dorraad ku geeriyoodey magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey ganacsade kaalin weyn ka soo qaatay dib u dhiskii dalka iyo dib u xorayntiiba, maalkiisana kaga qayb qaatay halgankii iyo hayaankii dheeraa ee nabadda iyo xasilinta dalka waxa aanu mar kale tacsiyeynayaa Ehellada, Qaraabada iyo Qoyska ballaadhan ee reer Abusite, meel kasta oo ay ku nool yihiinba.