Xuninta koowaad ee barnaamijka caafimaadka Wargeyska Dawan todobaadkan waxa aynu ku dul istaagi doonaa xidhitaanka shir-waynaha kasoo tallo-bixinta Istaraatijiyadda iyo nidaamyada horumarinta tayada adeegyada caafimaadka Qaranka, kaasi oo uu soo xidhay Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka JSL.
Xubinteena koowaad waxa aynu ku faahfaahin doonaa shir-wayanaha iyo waxyaabaha salka u ahaa ee lagaga hadlayay, sidoo kale waxa aynu wax ka tilmaami doonaa ma jiraan wax war-murtiyeed aha ama qodobo la isku waafaqay oo ka soo baxay shir-wayanahani.
Haddaba Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Axmed Maxamuud Jaamac, oo si rasmi ah u soo xidhay shir-waynaha ka talo-bixinta Istaraatijiyadda iyo nidaamyada horumarinta Tayada adeegyada caafimaadka Qaranka, kaasi oo socday muddo saddex maalmood ah.
Shirkan muhiimka ah oo diiradda lagu saaray tayaynta adeegyada caafimaadka dalka, ayaa waxa kasoo qaybgalay masuuliyiin iyo khubaro sare oo ka kala yimid gobollada iyo hay’adaha caalamiga ah ee la shaqeeya wasaaradda. Waxaa ka mid ahaa Isuduwayaasha caafimaadka ee gobollada dalka, Agaasimayaasha cisbitaalada gobollada, agaasime-waaxeedyada wasaaradda, madax-qaybeedyada, iyo wakiillo ka socday hay’adaha Kings Global Health Partnership iyo hay’ado kale oo caalami ah.
Ujeeddada shirkan ayaa ahayd in si wadajir ah loo qiimeeyo heerka ay marayaan adeegyada caafimaadka ee dalka, isla markaana la dhiso istaraatijiyad mideysan oo lagu horumarinayo tayada adeegyada caafimaad, iyadoo laga duulayo baahiyaha dhabta ah ee bulshada iyo duruufaha dalka ka jira.
Agaasimaha guud Dr. Axmed Maxamuud Jaamac oo khudbad xidhitaanka ah ka jeediyay gunaanadka shirka, ayaa u mahadceliyay dhammaan ka qaybgalayaasha iyo bahda caafimaadka ee u heelan horumarinta adeegyada. Wuxuu carabka ku adkeeyay in shirkan uu horseed u noqon doono in la dhiso hannaan mideysan oo lagu kobcinayo tayada caafimaadka, isla markaana wax ka beddeli doona xaaladda daryeelka caafimaad ee dalka.
“Waxaan aad ugu faraxsanahay in maanta aynu si rasmi ah u soo afjarno shir saddex maalmood socday oo muhiim u ah mustaqbalka caafimaadka Somaliland. Ka talo-bixinta tayada iyo nidaamyada adeegyada caafimaadku waa tiir lagama maarmaan u ah horumar waara,” ayuu yidhi Agaasimaha guud.
Waxaa lagu wadaa in natiijada shirkan laga diyaariyo qorshe istaraatijiyadeed oo waafaqsan talooyinka kasoo baxay, si loo hirgeliyo nidaamyo hufan oo lagu xaqiijinayo adeeg caafimaad oo tayo leh oo la gaadhsiiyo dhamaan gobollada dalka.