Habeen qabow iyo dhaxan baraf ahi dhacayso, nin maalqabeen ah ayaa soo maray nin miskiin ah oo fadhiya goob banaan isagoon haysan buste iyo hu kale oo uu dhaxanta kaga gaashaanto midna. Waxaana uu weydiiyay waxa goobtan dhaxanta badan dhigay, isagoo oo aan hugii dhaxantana xidhnayn. Ninka saboolka ah ayaa ugu jawaabay โ ma haysato hoy iyo hugii aan dhaxanta ka xidhan lahaa, habeen kasta halkan ayaan seexdaaโ.
ย Maalqabeenka ayaa u balan qaaday inuu hadda, wakhti yar ka dib u soo qaadi doono buste iyo gogol iyo koodh uu dhaxanta ka xidho. Saboolka ayaa aad u farxay, waxaana uu sugayay habeenkii oo dhan balanqaadkii maalqabeenka, laakiin waxba uma keenin.
Ninka maalqabeenka ahi ayaa mashquulay markii uu ka dhaqaaqay ninka miskiinka, isagoo hawlihiisa iska watay ilaa ay gaadhay wakhtigii u seexan lahaa. Markii waagu beryay ee uu soo toosay ayuu xusuustay ninkii saboolka ahaa ee uu xalay u balan qaaday.
Waxaana uu u qaaday alaabti uu ugu balan qaaday isagoo tegey goobtii uu miskiinku joogay laakiin nasiib daro waxa uu la kulmay isagoo dhaxantii habeenimada dhacaysay uu u dhintay, waxaana dushiisa yaallay waraaq dardaaran ah oo ay kuย qoran tahay erayadan: โ Habeenadii hore waan u adkaysan jiray qabowga iyo dhaxanta, oo naftayda ayaan ku kalsoona oo difaaci jirtay, laakiin xalay adiga ayaa ii balan qaaday inaad ii keeni doonto qalab iga difaaca, sidaa awgeed kalsoonidii naftayda ayaad lumisay. Qofna ha u balan qaadin wax aanad fulinayn, waana taasi sababta geeridaydaโ.ย Kalsoonida naftaada ayaa badbaadintu ku lamaan tahayย