Garaac Albaabka Guusha!

0
99

Istaraatiijiyadu waa dejinta qorshe dheer oo hufan si loo gaadho yool iyo ujeeddo cad. ย Waana furaha guusha. Dadka guulaysta waxa ay ku dadaalaan inay dareemaan waxa ay doonayaan iyagoo adeegsanaaya rabitaankooda waxayna u babac dhigaan cabsi, daal, shaki iyo murugo kasta.

Dhibaatada ugu weyni waa wijiinaha, halasaha iyo hanfiga ka soo horeeya higsiga hilinka guusha.

Hawl kasta oo aad bilowdo, diyaar u noqo inay kaaga baahan tahay dadaal iyo niyad adag. ย Dadka guulaysta waxa ay sameeyaan dhammaan arimihiii ay ka daaleen kuwa fashilmaa.

Marka aad garaacdo albaabka numbarka 1-10 ee dhismaha ee laga furi waayo midkoodna, ha niyad jebin garaac albaabka nambarka 11 adigoo faraxsan, oo weliba dhoola cadeynaya, wajigaagana aanay ka muuqan murugo, niyad jab iyo daal.

Waa kaasi albaabka guusha. Ma fahantay waxa aad qabatay ? Haa. Waa sabir, wakhti iyo dadaal. 10 albaab oo xidhan maxaad uga niyad jebi weyday? . Waxaad raadinaysay guusha aad gaadhay. Sabirka, ficilka iyo dadaalku waa furaha guusha. Guushaadu waxa ay ka bilaabanta Fikir (Doonid), dadaal oo ah habayn, hubin iyo fulin. Waana taasi ta kugu dhiirigelisa inaad adkaysi la timaado si aad u gaadho guusha.