Muddo 34 sanno ah, Somaliland waxay ahayd dal madax-bannaan marka loo eego ficil ahaan iyo meeqaamka sare ee ay kula macaamisho waddamada dunida, sidoo kalena waa dal astaan u ah xasiloonida iyo nabad-ku-wada-noolaansha mandaqadda iyo caalamka ba, balse aan wali ka helin beesha caalamka aqoonsigii ay xaqa ugu lahayd.
Somaliland waa dawlad buuxisay dhammaa shuruudihii caalamiga ahaa ee looga baahnaa dal madax-banaan, waxay leedahay xuduuddo cayiman, calan, lacag u gaar ah, baasaboor, ciidamo, iyo nidaam dastuuri ah oo shaqaynaya. Waxa ay qabatay doorashooyin xor iyo xalaal ah, oo ay dunidu ku majeeratay, waxaanay si nabad ah u maamushaa dhulkeeda, taas oo dhif iyo naadir ku ah waddamada gobolka ee ay la deriska tahay.
Dekedda Berbera iyo garoonka diyaaradaha ee ku yaalla, oo la dhisay xilligii Soofiyeetka oo hadda horumar ballaadhan lagu sameeyay, waxay noqdeen furaha istiraatiijiga ah ee u dhaxeeya dagaalka ganacsiga ee Mareykanka iyo Shiinaha. Waxaa la fahmi karaa in danaha siyaasadeed iyo ganacsi ee Maraykanku ay aad u korodhiyeen xiisaha ay u qabaan Somaliland. taas oo noqonaysa jidkii loo adeegsan lahaa sidii albaab loogu furi lahaa aqoonsi rasmi ah.
Xukuumadda Somaliland ayaa si geesinimo leh u qaatay khatar siyaasadeed oo ah in la xusho dhinaca Reer Galbeedka, gaar ahaan Maraykanka iyo Taiwan, xilli dalal kale ay dhexdhexaad yihiin ama ay ka cago-jiidayaan. Waa doorasho istiraatiiji ah oo u baahan in lagu abaal-mariyo si siman, taas oo ah aqoonsi caalami ah.
Diblomaasiyadda aan caddayn ee Itoobiya, cadaadiska Shiinaha, iyo waxyeellada taariikhiga ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Somaliland, waa dhibaatooyin aan la iska indho tiri karin. Si kastaba ha ahaatee, mustaqbalka nabadda iyo horumarka Geeska Afrika wuxuu ku xidhnaan doonaa aqoonsi buuxa oo la siiyo Somaliland, taas oo ka dhigan in la aqbalo xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta dhulka.
Mareykanka iyo waddamada kale ee dimuqraadiga ah waa inay muujiyaan geesinimo siyaasadeed. Haddii Mareykanku dhab ahaantii doonayo inuu Afrika ka sameeyo iskaashi xasilloon oo la tartami kara Shiinaha, waa inuu taageeraa dalalka la isku halleyn karo sidsa Somaliland, kuwaas oo ah dalal aan kaliya ku tiirsanayn kaalmada, balse diyaar u ah inay wax dhistaan.
Somaliland waxay tusaale u tahay, dimuqraadiyadda iyo xasiloonida qaaradda Afrika iyo caalamka intiisa kale ba, gaar ahaan waddamada mandaqada geeska Afirka. Waxaa la joogaa waqtigii la aqoonsan lahaa Somaliland, ee dunidu odhan lahayd: waa dal oo waa in si rasmi ah loo aqoonsadaa.