Horumarka siyaasadeed iyo dhaqaale ee ka hano-qaaday Jamhuuriyadda Somaliland oo ah dal dumuqraadi ah, laguna majeerto xasilooni iyo nabadgelyo aan ka jirin waddamada mandaqada iyo dalalka deriskeeda ah oo ay aafeeyeen qalalaase siyaasadeed iyo colaado baahsan, ayaa keentay in Somaliland yeelato cadaw aad u tiro-badan oo ka xun guulaha waaweyn ee ay ku tallaabsatay muddadii ay jirtay oo ku siman 34 sanno.
Cadawga Somaliland oo ah mid dhinacyo badan leh isla markaana adeegsada xeelado kala duwan, waxay isu bahaysteen mijo-xaabinta qarannimada Somaliland, kuwaas oo ay ku noqotay dhimbiil dab ah wada-jirka iyo midnimada ummadda reer Somaliland, sidaa darteed waxay tuur iyo tarbiicaba isugu yeeleen, kala furfurka iyo kala qaybinta bulshadeena iyo in ay iska horkeenaa shacabka gobta ah ee reer Somaliland iyo xukuumaddooda oo ah mid ku timi codka iyo iraadada dadweynaha JSL.
Shabakadaha cadawga u ah qarannimada Somaliland oo adeegsada xeelado iyo tabo-badan, waxay xoogga saaraan sidii ay Somaliland uga soo oodi-lahaayeen albaabada iyo iridasha dublumaasiyadeed ee dunida, iyaga oo had iyo jeer dacwado ka dhan ah Somaliland u gudbiya waddamada aynu xidhiidhka la leenahay iyo quwadaha xiisaynaya la macaamilka iyo aqoonsiga dawladdan curdinka ah ee tusaalaha u noqotay dumuquraadiyadda Afrika.
Sidoo kale, waxay xoogga saaraan kala furfurka midnimada ummadda iyo wada-jirkeeda, iyaga oo adeegsanaya dad maan-gaab ah oo lagu khaldo dhaameel iyo shilimaad faro-guudkood ah, kuwaasi oo mar kasta bulshada ku soo dhex-tuura warar been abuur ah oo aan sal iyo raad-toona lahayn, si loogu kala qaybiyo oo la isaga horkeeno, iyaga oo ka duulaya maahmaahda ah “GUDDIN YAHAY IMAAD GOYSEENE BADHKAY BAA KUGU JIRA”.
Dhacdooyinka ay sababeen dhagaraha qarsoon ee cadawga Somaliland soo maleegayo, waxaa ugu dambaysay arrintii Khamiistii ka dhacday magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, kadib markii shabakadahan qarsoodiga ahi ay bulshada ku soo dhex-tuureen warar been abuur iyo gacan-ku-rimis ah oo sheegaya in xukuumaddu bilaa shuruud ku sii daynayso maxaabiista dagaal ee u xidhan Somaliland iyada oo ay maqanyihiin maxaabiista laga haysto Somaliland. Basle nasiib wanaag arrintaas waxa daba-qabtay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo bulshada u caddeeyay in aanay waxba ka jirin arrintaas, “Maxabiista la Cafiyaa Kuwa Danbiyada Dagaalka Galaa Kuma Jiraan” Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga JSL oo ka hadley Mudaharaadka Burco.
Sidaa darteed bulshada reer Somaliland waxaa looga baahan yahay feejignaan dheeraad ah iyo in ay dareen gaar ah u yeeshaan wararka been abuurka ah ee ay faafiyanaan cadawga iyo dadka munaafiqiinta ah ee doonaya in ay iska horkeenaan xukuumadda iyo shacabkii aqlabiyadda ku doortay, isla markaana doonaya in ay wiiqaan dedaalada xukuumadda cusub ee waxqabad iyo wada-jir oo muddooyinkii ugu dambeey ku hawlanayd xoojinta midnimada iyo wada-jiarka ummada, isla markaana dhayday boogihii iyo xanaftii ka dhalatay ololihii doorashada.
Fidinta hadalada malo-awaalka ah ee fidmada lagu kala dhex-dhigayo bulshadu, waa dhaqan iyo caado xun oo ay caan ku yihiin dadka Munaafiqiinta ah, kuwaasi oo inta badan xasaasiyad ka qaba isku duubnaanta iyo wax wada qabsiga ummaddaha Islaamka ah, kuwaasi oo jiray ilaa iyo wakhtigii Nabigeena Maxamed (NNKH), sida ay inooga warameen Axaadiis iyo Aayado badan oo Quraanka Kariimka ah oo lagu sheegay khatarta dhagaraha Munaafiqiinta iyo sida ay marar badan isaga horkeeneen Saxaabadii wanaagsanayd ee Nabigeena, kuwaasi oo shirqooladoodu marar badan sabab u noqon gaadheen kala qaybsanaan Islaamka dhexdiida ah (Muhaajiriin iyo Ansaar).
Illaahay (SWT) ayaa ummadda Islaamka ah uga digay khatarta dhagaraha Munaafiqiinta, sidoo kalena EEBE waxa uu inoogu yaboohay in aynu ka digtoonaano wararka ay Munaafiqiintu bulshada ku dhex faafinayaan waxaanu yidhi “HADDII UU IDIIN YIMAADO MID MUNAAFAQ AHI, ISKA HUBIYA WARKA UU IDIIN SHEEGAYO.”
Sidoo kale Abwaan Faarax Nuur oo bulshada uga digaya dhaqanka xun ee ku dhisan munaafaqnimada, kuwana salaysan isku dirka iyo namiiminta, iyo dhagaraha shaydaanka ee bulshada lagu kala irdhaynayo, waxa uu yidhi “NAMIIMIYUHU WARKUU SHEEGAYAA NACAS RUN MOODAAYE. ANNA NADARTU WIXII AAN ARKAAN NACAM IDHAAHDAA.”
Qormadeenan waxaan ku soo gunaanadayaa sadar ka mid ah gabayadii Alle ha u naxariistee Abwaan Faarax Nuur oo nuxur ahaan aynu ku tilmaamayno fahamka iyo fiirada dadweynaha looga baahan yahay :- “ALLOW YAA RAG WAXA UU MALDAHAY, BULSHADA MAANTA GARANSIIYA”. Sidaa darteed bulshada reer Somaliland waa in ay u feejigntaada dareen badanna u yeelataa dhagaraha loo maldahayo.